Guriga Cad: Dhacdooyinka Yaabka Leh Ee Ku Duugan Gudaha Aqalka Looga Taliyo Maraykanka

0
1159

Washington (Geeska)- Guriga cad ee maraykanka oo la aaminsan yahay in uu yahay goobta dunida oo dhan si toos ah ama dadban looga arrimiyo ayaa sheegay qisas badan oo yaab leh, qormadan iyo ta xigta waxa aynu ku soo qaadan doonnaa dhacdooyin taariikhi ah iyo arrimo yaab leh oo muddadii uu gurigan cadi jiray ka dhacay, balse inta badan aan laga war-qabin maadaama oo arrimaha kale ee xiisaha siyaasiga ah leh ee gurigan khuseeyaa ay yihiin kuwo dareenka dadku ku jeedaan, sidaa awgeed ay warbaahintuna waqtigeeda oo dhan geliso, haddaba dhacdooyinkaas taariikhiga ah balse yaabka leh ayaa uu wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay kuwan hoos ku qoran:

– Guriga Cad ee Maraykanku, weligii muu ahayn caddaan. Tusaale ahaan wixii ka horreeyey sannadkii 1814kii midabkiisu waxa uu ahaa midabka aynu sibidhiga u naqaanno ama Dameeri, laakiin sanadkan 1814kii ayaa ciidamadii Ingiriiska oo Maraykanka gumaysan jiray oo la dagaalamayey xoogaggii gobonnimo doonka ahaa ee dalka qabsaday ay gubeen Guriga Cad. Gubashadaa kadib markii dib loo cusboonaysiinayey Guriga Cad ayaa midabkiisa laga dhigay caddaan si loo qariyo raadadkii gubniinka, midabkaas cusub ayaanu ku baxay magaca caanka ah ee gurigani.

– Qolka xafiiska u ah madaxweynaha dalka Maraykanka waxa lagu naanaysaa Gurigaygii, waxaana magacan loo bixiyey xilligii uu John Kennedy ahaa madaxweynaha. Arrinta xiisaha lihi waa iin magacan uu bixiyey inan yar oo uu dhalay Kennedy oo isagu ku dhex ciyaari jiray qolkan kana dhigan jiray meel uu ku dhuumaalaysto gaar ahaan miiska madaxweynaha hoostiisa.

– Xilligii uu madaxweynaha ahaa Franklin Roosevelt waxa dhacday qiso yaab leh; Carruur uu dhalay madaxweyne Franklin Roosevelt ayaa si qarsoodi ah ugu soo tahriibiyey guriga cad gudihiisa faras yar oo ay bannaanka ka keeneen, faraskan iyada oo aan cidi ogaan ayaa ay carruurtu muddo ku dhex haysteen dabaqa labaad ee guriga cad oo ah halka ay ku nool yihiin qoyska madaxweynuhu, arrintaas oo yaab ku noqotay hay’adaha amniga.

– Sannadkii 1861kii afar maalmood kadib markii uu xilka madaxweynenimo la wareegay Abraham Lincoln ayaa koox tuug ahi ay u soo dhaceen Guriga Cad, waxa aanay qaateen dhar iyo koofiyado loogu talo galay soo dhoweynta martida.

– Madaxweynihii hore ee Maraykanka Harry Truman ayaa guriga cad u bixiyey Xabsiga Weyn ee Cad, laakiin madaxweyne Ronald Regan ayaa isagu xilligiisii Guriga Cad u bixiyey, Rugta-Raaxada iyo Hudheelka Dabaqadda Sare.

– Xilligii uu madaxweynaha ahaa Dewitt Eisenhower waxa uu dabaqa sare ee Guriga Cad ka dhigay halka ay qoysku degeyaan, sababtuna waxa ay ahayd, madaxweyne Eisenhower oo jeclaa cunto karinta ayaa doorbiday in uu guri ka dhigto dusha sare ee aanay dadku soo gelayn, waayo waxa uu dusha ka dhiganayey kijada, si aan loo arag xilliga uu cuntada karinayo.

– Madaxweynihii hore ee Maraykanka Gerald Ford ayaa waxa uu lahaa xilli go'an oo uu maalin kasta ku maydho xamaamka dabbaasha ee Guriga Cad. Madaxweyne Ford ma’ uu jeclayn in uu waqtigaas uu maydhashada caadaystay wax ka beddelo, sidaa awgeed waxa dhacday in mar xilligii maydhashadu uu kaga beegmay shir jaraa'id oo muhiim ah, kadib isaga oo ku dhex jira barkaddii maydhashada ayuu shirkii jaraa'id ku dhex qabtay, kana jawaabay su'aalaha saxafiyiinta oo hareera taagnaa barkadda.

– Abraham Lincoln waxa uu ahaa madaxweynihii illaa hadda ugu dheeraa ee soo mara guriga cad. Waxa uu dhererkiisu ahaa 1.93 Mitir. Laakiin madaxweynaha hadda Barak Obama ayaan qudhiisu dab yar shidayn oo dhererkiisu yahay 1.87 Mitir. La Soco qayb kale oo xiiso badan…