Sababta Cilmiga Ah Ee Keentay In Raggu Ay Dumarka Kaga Fiicanaadaan Aragtida Fog Iyo Ta Habeenkii

0
1235

Picture5Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa ayaa uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

Khubarada cilmiga Saynisku waxa ay xaqiijiyeen in abuur ahaan ay labada indhood ee ninku ka waaweyn yihiin labada indhood ee gabadha, arrintaas oo ay qaarkood ku macneeyeen waajibaadka shaqo ee asal ahaan ninka laga rabo oo ay ka mid tahay ugaadhsiga iyo in uu meel dheer cadowga iyo waxa uu doonayaba ka sbidhaansado, waxa aau macnaheedu noqonayaa in aragtida dheer (Fog) ay indhaha raggu kaga awood badan yihiin kuwa dumarka. Dhinaca kalana isha ninka qaybta xaydha aynu u naqaanno (Qaybta cad) ayaa ay khubaradani sheegeen in ay ka yar tahay xaydha isha gabadha, taas oo ay khubaradu aaminsan yihiin in ay gabadha ka caawinayso inay meel dhow wax ka arki karto, sida qol-qolka gurigeeda, ubadkeeda iyo hawlaha ay abuur ahaan qabato oo u badan kuwo masaafad ahaan u dhow.

Dhinaca kale haddii aynu ka eegnana, xaydha isha ama qaybta caddaanka ah oo ballaadhata waxa uu u fududeynayaa in ay si xeel dheer gabadhu u cabbiri karto ama u gudbin karto ishaarooyinka muujinaya shucuurta iyo dareenka ay qabto. Waxa kale oo ay khubarada Saynisku xaqiijiyeen in kala duwanaanshiyaha abuurka ah ee indhaha labada jinsi ay ninka u suurtogeliso in uu gabadha kaga fiicnaado aragtida dheer (Fog) ee habeenkii, waana sababta keenta in ninku uu habeenkii baabuurka si sahal ah u kaxayn karo masaafad dheer, gaar ahaan safarrada fog ee ka baxsan magaalooyinka, halka gabadha laga yaabo in habeenkii uu araggeedu awoodi kari waayo in uu xataa kala saaro wejiyada dadka ka hor imanaya, marka aanu ilays ku filani goobta ka baxayn. (Waa muuqaalka wejiga, laakiin gabadha habeen iyo dharaarba waxaan ka qaldamin garashada qaab-socodka iyo dhismaha jidheed ee ruuxa, waana kaas ka ay habeenkii ruuxa dhaqso ugu garan karto).