Afar Nooc Oo Cuntada Ka Mid Ah Oo Sabab U Noqda In Wejiga Iyo Indhaha Hareerahoodu Baro Madow Yeeshaan

0
1026

Hargeysa (Geeska)- Waxaa hubaal ah in baraha madow ee wejiga oo gaar ahaan ah indhaha hareerahoodu ay ku yimaaddaan sababo badan, waxaana ka mid ah sababo la xidhiidha noocyo ka mid ah cuntooyinka oo uu wargeyskan Geeska Afrika maanta ku soo qaadanayo qormadiisan, kuwaas oo kala ah:

1. Caffeine: Cuntooyinka iyo cabbitaannada ay ku jirto maadadda Caffeine, maadaddani waxa ay leedahay faa’idooyin badan oo ay ka mid tahay in ay xamaytida ka ilaaliso inuu dhagax ku samaysmo, waxa qofka ka ilaalisaa diiqadda nafsiga ah, waxa ay xoojisaa xusuusta, laakiin haddana marka la badsado waxa ay leedahay khataro ay ka mid tahay wadne xanuun, dhibaatooyin dhinaca keliyaha ah iyo tan aynu u soconno oo ah baro madow oo ay ku samayso indhaha hareerahooda, gaar ahaan dumarka.

2. Muuska: Muusku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu muhiimsan ee laga helo maadadda Potassium oo faa’ido aan la soo koobi karin u leh caafimaadka iyo weliba Kalshiyaamta, laakiin waxaa muhiim ah in aad ogaato in haddii maadaddan Potassium qudheedu ay dhiigga ku badato ay sababto dhiig-roor iyo in dhiigg ku ururo qaybo wejiga ka mid ah, kuwaas oo aakhirkana isu beddela baro madow oo indhaha hareerahooda ku ururo, iyo in barar laga dareemo indhaha iyo hareerahoodaba, gaar ahaan dumarka.

3. Milixda: Milixda waxaa ku jirta maaddooyin faa’ido badan u leh caafimaadka, laakiin waxa ay khubarada caafimaadku qirsan yihiin in dhibteedu ay aad u badan tahay, tusaale ahaan cuntooyinka milixdu ku badan tahay waxa ay keenaan dhiigga oo xoog u kaca iyo marinnada iyo halbawlayaasha dhiigga oo xidhma, sidoo kale maadadda Sodium oo milixda ku badan ayaa keenta in wejiga ay ku bataan baro madow ah oo mararka qaarkoodna barar ku jiro, gaar ahaan dumarka.

4. Shaglaydh: In kasta oo la aaminsan yahay in shaaglaydhku uu nafsiyan qofka u furfuro, kana dejiyo diiqadda iyo isku buuqa, isla markaana la sheego in uu u fiican yahay caafimaadka wadnaha, haddana waxaa hubaal ah in uu miisaanka aad u kordhiyo, iyo in uu noqdo balwad lala qabsado, taasina ay keento in maaddooyinka Caffeine iyo Sonkorta eek u jiraa ay dhibaato caafimaad keenaan, sidoo kale waxa uu indhaha ku keenaa barar, hareerahoodana baro madow oo quruxda kala dhantaala.