Dawladda Somaliya Ee Taagta Daran Oo U Hanjabtay Qaar Ka Mid Ah Shirkadaha Shidaal Baadhista Ee Heshiisyada La Galay Dawladda Somaliland

0
520

Picture7Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliya ee taagta daran ayaa u hanjabtay shirkado shisheeye oo dawladda Somaliland la saxeexday heshiis shidaal iyo khayraad baadhis ah, waxaanay dawladda Somaliya si gaar ah u magacowday shirkadda DNO oo ay Somaliland heshiis la gashay, dhawaana hawlgalo ka bilowday gobalada bariga Somaliland. Maaha markii u horaysay ee ay dawladda Somaliya eedayso shirkadaha heshiisyada la gala Somaliland.

Wasaaradda Baatroolka iyo khayraadka dabiiciga ah ee dawladda Somaliya, oo warsaxaafadeed soo saartay Isniintii toddobaadkan, ayaa waxa ay kaga hadashay kulamo uu wasiirkoodu wadanka Maraykanka kula yeeshay madax kala duwan mudadii u dhaxaysay 7-8 august oo uu socday shirkii madaxda Afrika iyo Maraykanku.

Wasiirka Somaliya, wuxuu qoraalkiisan xagga u dambaysa ku cambaaraynayaa shirkado hawlo shidaal baadhis ka wada Somaliland. Wuxuu sheegay inuu madaxda wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka kala hadlay shirkado yar yar oo uu sheegay inay heshiisyo sharci darro ah la galeen dhinacyo aan wakalaad rasmi ah haysan, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay sii shidayaan dab uu sheegay inuu ka holcayo gobalka Geeska Afrika. “Shirkadan yar yari waxay sii qasayaan wadanka [Somaliya] waxaanay burburinayaan dedaalka ay bulshadu caalamku ku doonayso inay ku dhisto nabadda iyo degenaanshaha wadanka.” Ayuu ku yidhi Wasiirka dawladda Somaliya qoraalkiisa, waxaanu intaas raaciyay, “Waxa xusid mudan shirkadda Norwegian Company (DNO), oo qorshaynaysa inay maleeshiyaad hubaysan ka samayso deegaano haddaba ay colaadi ka jirto, sidaas darteed waxay sii shidayaan xaaladda taas oo keentay barakac iyo dhaawaca dad aan dambi lahayn iyo kuwa dadka ugu sharafta badan.”

Waxay dawladda Somaliya cambaaraysay shirkadahan oo ay ku eedeysay inay dhulkaas geeyeen ciidamo iyo hub. “Waxaanu uga digaynaaa shirkadahaas inay dawladda Somaliya ka dacweyn doonto wadamadooda ixtiraamka mudan iyo golaha ammaanka Qaramada Midoobay.” Ayaa lagu yidhi qoraalka, waxaanu intaas raaciyay “Wasaaradda iyo dawladda Somaliya waxa kale oo ay haysataa xaqa ay ku dacweyn karto shirkadahan iyadoo metelaysa dadka Somaliyed.’

Dawladda Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino gardarada dawladda Somaliya ayaanay noo suurtogelin. Laakiin dawladda Somaliya, gaar ahaan wasaaradda baatroolka iyo macdanta Somaliya ayaa dhawr goor eedaysay shirkado kala duwan oo heshiisyo la gala dawladda Somaliland.