Gudomiye-xigeenka KULMIYE Ee Bristol Oo 10 Foosto Oo Daamura Ugu Deeqay Wadada Baligubadle

0
610

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye xigeenka xisbiga KULMIYE, laanta Bristol ee wadanka Ingiriiska Md. Cabdixakiin Cismaan Aaden (Cabdixakiin Qootaali) ayaa sheegay inuu 10 foosto oo daamur ah ugu deeqayo wadada isku xidhaysa Baligubadle iyo Hargeysa oo hadda shantii kiiloo mitir ee u horaysay ay dhammaatay.

Mr. Qootaali, oo isagoo jooga dalka Ingiriiska u waramay Geeska Afrika, wuxuu kaloo wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan uga mahadceliyay taageeradii uu dhawaan ka gaystay jidkaas isku xidhaya Picture2Hargeysa iyio Baligubadle. “Waxaan balan qaadayaa inaan 10 foosto oo Daamur ah ugu deeqayo jidka isku xidhaya Hargeysa iyo Baligubadle, waxaanan ammaan u soo jeedinayaa xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo gudiga wadada wadadaas ku hawlan. Xildhibaan Nacnac waa xildhibaanka keliya ee deegaanadii laga soo doortay wax qabad ka muujiyay.” Ayuu yidhi Mr. Qootaali, waxaanu intaas ku daray, “Waxa kale oo aan u mahadcelinayaa wasiirka madaxtooyada Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hore deeq u gaadhsiiyay jidkaas, imikana aan ka rajaynayo inuu deeqo kale soo gaadhsiiyo.”

Guddoomiye Cabdixakiin oo la hadlaya bahda KULMIYE, wuxuu yidhi “Waxa kale oo aan halkan codsi uga dirayaa hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo guud ahaan golaha dhexe oo aan leeyahay tabaruucaadkiina ku darsada jidkaas oo ah jid muhiim u ah qaranka.”

Cabdixakiin oo dhawaan dalka ku soo jeeda sii uga qayb gala hawlaha dhinaca siyaasadda iyo horumarka, wuxuu qurbe jooga reer Somaliland ugu baaqay inay ka qayb qaataan dhismaha jidkaas.