Waxaan U Taaganahay Doorashada Baarlamaanka

0
800

cabdicasisiCabdicasiis Maxamed Cabdilaahi oo ka mida aqoon yahanka dalka ayaa shaaciyey inuu u taagan yahay tartranka doorashada soo socota ee baarlamaanka, waxaanu sidaasi ku sheeg war qoraal ah oo uu soo saaray.

Aqoon yahay Cabdicasiis Maxmed Cabdilaahi ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Maanta oo ay Taarikhduna tahay 27/10/2014 oo ah maalin Isniina ayaa waxaan ku dhawaaqay in aan u taaganahay Murashaxa Jagada baarlamaanka Gobolka M/Jeex, ka dib markaan la tashaday waxgaradka, Madax-dhaqameedka, Haweenka iyo Dhalinyarada. Iguna dhiiri galiyeen in aan ku dhawaaqo murashaxnimadayda talo badan dabadeed, sidaas darted waxaan u taagnahay doorashada baarlamaanka”.