Wasiir Warancade Iyo Taliye Fadal Oo Xadhiga Ka Jaray Saldhig Laga Dhigay Xaafada Macalin Haaruun

0
833

Picture3Hargeysa(Geeska):-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran-Cadde oo uu weheliyo taliyaha ciidanka booliska sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa xadhiga ka jaray Saldhig cusub oo casri ah oo laga dhisay Xaafada Axmed Macalin Haaruun ee Bariga Magaalada Hargeysa.

Saldhigan oo ay Maalgalisay Haayada UNDP,ayaa magaciisa loogu magacdaray Mujaahidkii waynaa ee u soo halgamay dalka Mujaahid Axmed Macalin Haaruun,waxaana furitaankii Saldhigan loo sameeyey munaasibad kooban oo lagu furaayey Saldhigan Axmed Macalin Haaruun.iyada oo ay Munaasibadaasi ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran-Cadde,Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan,Guddoomiyaha Gobalka Maroodi-Jeex,Maayarka Caasimada Hargeysa,Sarkaal Sare oo ka socotay Haayada UNDP,Xildhibaano,Madax-dhaqameed,iyo dadweyne kale oo aad u tira badan.

Ugu horeyn waxaa munaasibadaasi ka hadlay Ugaas Geele oo ka mid ah Odayaasha Madax-dhaqameedka ah ee ka soo jeeda Xaafada Axmed Macalin Haaruun,waxaana uu sheegay in ay  aad iyo aad ugu faraxsan yihiin  in Saldhig cusub laga hirgaliyo Xaafada Axmed Macalin Haaruun oo uu sheegay in hore baahi wayn loogu qabay,waxaana uu sida oo sheegay in uu u mahad celinaayo dhamaanba cidii ka qayb qaadatay in Saldhigan laga hirgaliyo Xaafada Axmed Macalin Haaruun.

"Dhamaantiinba horta Madaxda meesha timi,waxaanu ku soo dhawaynaynaa Xaafadan Mujaahid Axmed Macalin Haaruun oo ahayd xaafadihii danbe ee markii aynu dalka xoraynay magaca loo bixiyey oo ay ka midka tahay sida Koodbuur,sida Maxamed Mooge iyo xaafadaha kale oo dhanba,waana Xaafad balaadhan oo illaa Haleeya iyada ayaa xukunta,dhamaantiinba waan idin ku soo dhawaynaynaa Xaafadan haddaanu nahay Odayaasha Xaafada iyo Odayaasha Deegaankaba.Waxaanan u mahad naqaynaa Wasiirka Arrimaha Gudaha,Maayarka,Odayaasha Xaafada iyo Haayadii UNDP ee Saldhigan dhistay,aad iyo aad ayaanan dadkaas oo dhanba aanu ugu mahad naqaynaa ka qayb qaatay.Nabad galyadana HOrta Illaahaybaa Inoo haya,waxaa kale oo inoogu xiga Ciidankeena Qaranka ee darajada Fiican ee ay Xukuumadu siisay ee ina wada garab taagana waa qaybta Labaad ee Illaalisa Nabad galyada,Aad iyo aad ayaan iyagana ugu mahad naqaynaa"Ayuu yidhi Ugaas Geele

Amran Yaasiin oo ahayd Sarkaalad Sare oo ka socotay Haayada Maalgalisay dhismaha Saldhigan ee UNDP,ayaa sheegtay in uu saldhigani ka mid yahay Saldhigyo badan oo ay Qaramada Midoobay ka hirgalinayso wadamo badan oo Aduunka ah,waxaana ay tilmaantay in ay ka Haayad ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin in ay Saldhigan ka hirgaliyaan Xaafada Axmed Macalin Haaruun. "Saldhigani waxaa uu ka mid yahay Saldhigyo badan oo casri ah oo ay Qaramada Midoobay ka hirgalinayso meelo badan oo Aduunyada ah,waxaana loo qabtay Tobabaro badan ciidamada halkan ka hawl gali doona,Waxaana Mashruucan maal galisay Haayada UNDP,markaa waxaanu leenahay Wasiirka iyo Madaxda kaleba naga Aqbala deeqdayada,waana aad mahadsan tihiin"Ayey tidhi Amran Yaasiin.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in Saldhig loo dhisay qaab casri ahi uu ku soo biro Saldhiyada Ciidamada ee Magaalada Hargeysa,waxaana uu carabka ku dhuftay in Xaafada Axmed Macalin Haaruun oo ay ahayd Xaafada baahi badan u qabtay in loo sameeyo Saldhig isla mar ahaantaana ay ka ciidan ahaan kaga nasan doonaan ciidanka Saldhigaas lagu qoray sugida Amaanka Xaafada Axmed Macalin Haaruun.

"Waxaa anaga Boolis ahaan maanta Farxad wayn noo ah in ay ku soo biireen Laba Saldhig oo cusub oo Ah(Modern Police Station),waxaan u jeeda Waa casri waa Laba Saldhig oo waxyaalo badan kaga duwan Saldhigyadii Booliska ee hore hadday tahay xaga Isgaadhsiinta,hadday tahay xaga qalabka kale iyo waliba haday tahay xaga Xafiisyada oo si walba u dhamaystiran,sida oo kale haday tahay Baabuurtii oo isku dhamaystiran,cid kasta oo gacan ka gaysatay sida Maayarka Caasimada,Dadwaynaha Xaafada,Haayada UNDP oo maal galisay iyo cid kasta oo gacan ka gaysatayba waan u mahad calinaynaa.Xaafada Axmed Macalin Haaruun oo loogu magac daray Mujaahidkii waynaa ee Axmed Macalin Haaruun isaga io intii kale ee dalka u soo halgan tayb Illaahay dalka ha ka waraabiyo,aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay hirgalinta Saldhigan waayo marka aan maqalno dhawaaqa la yidhaahdo Buurta halkaa ka xigta Shiraaqle dad baa is eryanaya,waxa weeye gurmadka New Hargeysa ama ka Sheekh Madar inta uu ku soo socdo dhib ayaa ay ahayd aad iyo aad ayaana ay anaga farxad gaar ah noogu tahay"Ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.

Ugu danbayntiina waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md:Cali Maxamed Waran Cadde,waxaana uu isna dhankiisa carabka ku dhuftay in uu aad ugu faraxsan yahay Saldhigan oo uu tilmaamay in uu yahay mid casri ah oo wax badan ka tari doona kor uqaadida sugida Amaanka,waxaana uu sida oo kale uu sheegay in uu aad ugu mahad calinaayo cidkasta oo ka qayb qaadatay dhisitaanka Saldhigan Axmed Macalin Haaruun.

"Runtii waxaa farxad noo ah in aanu maanta Xaafada Axmed Macalin Haaruun aanu kala soo qayb galno, furitaanka Saldhigyadii uug horeeyey ee Casriga ahaa,oo runtii ay Xaafadani nasiib u yeelatay,iyada oo meelo kale oo gobalada ahna laga dhisi doono,qaarna laga dhisay.oo macnaheedu uu yahay in aynu siis balaadhino ama aynu rukumada u adkayno nabada Illaahay inagu manaystay ee gobalkan iyo dalkeena ka jirta in ay noqdaan kuwo u sii adkeeya xididada umadduna ay ku seexato,oo loo dhaweeyo bulshada reer Somaliland in ay dugsadaan,ciidamada Amniga,waxaan halkan aan jecelahay in aan uga mahad celiyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland,iyo ciidamada Booliska dhamaantiiba oo runtii aan aad iyo aad ugu faraxsanahay sida quruxda badan ama hawl karnimada ah,ee ay ugu shaqeeyaan dalkooda,waxaan kale oo aan jecelahay in aan halkan uga mahad celiyo Haayada UNDP oo samaysay oo maal galisay Saldhigan.ama qalabkan muhiimka ah ee Boolisku ku shaqayn doono iyadu u keentay aad iyo aad ayaad umahad santihiin ayaan leenahay"Ayuu yidhi CalI Maxamed Waran Cadde.