Daladda Qurbe-jooga Yurub Oo Xukuumada Uga Digtay Shirka Urur Somali-weyn

0
497

 

kkkkHargeysa(Geeska)-Daladda ay ku bahoobeen ururka qurbo jooga Somaliland ee Yurub, ayaa xukuumadda Somaliland iyo shacabka uga digtay shir uu ururka WSSP ku qabsanayo magaalada Hargeysa shir ku saabsan manhajka waxbarasho ee gobalka Geeska Afrika.

 

Ururkan iyo shirkiisa oo uu Wargeyska Geeska Afrika, hore ugaga digay xukuumadda iyo bulshada, ayaa wuxuu bedelay jadwalkii shirka oo uu hore ugu tallo galay 10-11 Jullay, waxaanu u bedelay toddobaadkan. Ururka SSE, warsaxaafadeedka uu shalay  shirkaas ka soo saaray oo uu si weyn ugaga digay, wuxuu ku yidhi “Dallada kulmisa ururada Somaliland ee Yurub (SSE) waxa ay beryahanba isha ku haysay dhaqdhaqaaqyo gudaha iyo dibada dalka ay ka wadeen (walina ka wadaan) urur amma dhaqdhaqaaq (movement), waa siday iyagu isku sifeeyeene, la magac baxay World Wide Somali Students and Professionals (WSSP).

Ururkan oo ay ku bahoobeen dad reer Somalia ahi, sida ay website-kooda ku bayaamiyeen, wuxuu sheegtaa inaanu urur siyaasadeed ahayn.  Waxay madaxdiisu sheegaan in ururku yahay urur iskaa wax u qabso ah oo ka shaqeeya arimaha la xidhiidha waxbarashada, caafimaadka iyo beeraha.

 Dhaqdhaqaaqa WSSP wuxu aaminsanyay midnimada dal ay ugu yeedheen Somalia (waxay taa uga jeedaan Somali Republic amma Jamhuuriyadii Soomaaliyeed) ooy markaas Somaliland-na qayb ka tahay. Yoolkooda ugu wayni wuxu yahay inay hogaamiyayaashii mustaqbalka ee Somalia soo saaraan.   Astanta dhaqdhaqaaqa WSSP waxa weey khariirada (map) dalkii Somali Republic la odhan jiray ee burburay ka dib markii Somaliland dib ugasoo noqotay midawgii ay Somalia la gashay 1-dii July 1960-kii.   WSSP waxay si aan qarsoodi lahayn u xaqiraysa jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland markaad eegtid astaantooda iyo fikirkooda ah in qof walboo Somali ahi ka yimid amma uu yahay reer Somalia. 

 Hadaba dhaqdhaqaaqa mabaadiidaas wata ayeey u qorshaysantay, isagoo adeegsanaya urur la yidhahdo CEER (Centre for Education and Employment Research), innuu caasimada Jamhuuriyada Somaliland ku qabsado shirwayne uu kaga hadlayo wax uu ugu yeedhay manhajka wax barashada Geeska Africa, halka aan wada fahmi karno in dhaqdhaqaaqani uga dan leeyiiin amma ajenduhu yahay manhajka wax barashada ee dalkii la odhan jiray Somali Republic. 

 Runtii qorshayaasha iyo dhaqdhaqaaqyada isasoo taraya ee ururada iyo dalalka midnimadii Somali Republic aaminsani ay mashaariicda Somaliland kaga fulinayaan waa ‘dhiishii gunta lagasoo tolayay’ oo kale oo waxaanu aaminsanay, hadaanu nahay dallada SSE, innuu socdo qorshe la rabbo in xagga hoose (grassroots level) lagasoo dhiso dareenkii midnimada dalkii la odhan jiray Somali Republic.

Sidaa daraadeed ujeedada dhabta ah ee WSSP ay ka leedahay tagida Somaaliland waa sida tan:

 Inay ugxan soo dhigtaan Somaliland oo dhalinyarada reer Somaliland kasoo dhaadhiciyaan hadafkooda iyo waxay ugu yeedhaan midnimada Soomaaliyeed iyagoo markaas isticmaalaya dhaqaale. Inay calaamka iyo Somaliya-ba u sheegaan in dhalinyarada Somaliland ka tirsan tahay ururkooda ogolyihiin-na inay Somaliland tahay gobol ka tirsan Somaliya sida astaantoodu sheegayso.

 In caalamka u sheegaan in ummadda Somaliland, dawlad iyo shacbiba qorashaha iyo himilooyinka WSSP taageersan yihiin.

Hadaba dawlada Soomaliland waxaan u sheegaynaa in ay ayaan daro tahay in loo dhaafo shicibkii, siiba dhalintii qarankan usoo kacaysay oo lagu shubbo fikiro amma mabaadii ku liddi ah jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaanu ugu baaqayna hay-yadaha kala duwan ee dawlada, ururada guud ee bulshada, kuwa dhalinyarada, kuwa dumarka iyo guud ahaan shicibka reer Somaliland inay ka digtoonaadaan qorshayaasha lagu nuglaynayo amma lagulla dagaalamayo dareenka qaranimo (sense of nationhood) ee umadda reer Somaliland. Hadaanu nahay dallada SSE waxaanu xukuumadda Somaliland iyo golayaasha kalee qaranka uga digaynaa in haddii lagu beero dhalinteena dareen qaranimo Soomaaliyeed (Somali nation) oo markaas ka sareeya Somaliland-nimadda ay khatar galli karto jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland.