Guddoomiyaha Gobolka Sool Oo Beeniyey In La Musuqmaasuqay Rashinka Xudun

0
506

 

Xuddun (Geeska) – Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Faarax Aaden, ayaa ka hadlay sida deegaanada Gobolkaasi loo gaadhsiiyay raashinka Mucaawinada ah ee dawladda Turkigu ugu deeqday danyarta Somaliland.

Badhasaabka Sool, waxa uu si gaar ah uga hadlay hanaanka deeqdaasi loo gaadhsiiyay degmada Xuddun iy weliba tuulooyinka hoos yimaada, waxaanu sheegay in qaybinta raashinkaasi ay u xil saareen Madax-dhaqameedka Xuddun iyo Xoghayaha degmadaasi, isaga oo sidoo kalena tilmaamay in raashinka dadka loo qaybinayo ay amaankiisa sugayaan ciidamada qaranka ee aagaasi.

Guddoomiye Maxamed Faarax Aaden, oo Geeska Afrika khadka Telefoonka waydiiyey waxa ka jira inaan tuulooyinka, Bohol, Ceel-la-helay, Sabo-wanaag  iyo Doclaha aan la gaadhsiin raashinkii loogu tallo-galay, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaasi oo uu Geeska Afrika soo gaadhsiiyay xildhibaan Cabdicasiis oo ka mid ah golaha deegaanka Xuddun, waxaanu badhasaabku sheegay in wararkaasi ay faafinayaan dad uu ku tilmaamay inay doonayeen in iyagga loo dhiibo qaybinta raashinka Mucaawinada ah “Wax ka jiraa ma jiraan warkaasi, ciidanka qaranka ayaa amaanka raashinka sugaya, cuqaal ka tirsan gobolka Sool iyo xoghayaha degmada Xuddun, ayaa deegaanadii loogu tallo-galay gaadhsiiyay” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “400 kiish oo loogu tallo-galay way gaadheen Xuddun iyo deegaanada hoos yimaada”

Badhasaabku waxa kale oo uu soo qaaday “Hadalka ninkaa Cabdicasiis idiin sheegayna waxba kama jiraan, kuwa kale ee warkaasi idin siiyayna waa qola doonaysay in iyagga loo dhiibo qaybinta raashinka”