Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Askari Shalay U Geeriyoday Rasaas Qorigiisa Ka Dhacday

0
437

 

 

Picture1Wajaale (Geeska) –  Askari ka tirsanaa ciidanka booliska Magaalada Wajaale ee gobolka Gabiley ayaa geeriyooday ka dib markii ay ku dhacday rasaas ka qaraxday qorigiisii, sida uu Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyey Taliyaha booliska Somaliland  sareeye guuto Cabdilaahi Fadal iimaan.

Alle ha u naxariistee, Askarigan oo magaciisu ahaa Aadan Axmed Diiriye, ayaa geeriyooday ka dib markii rasaas qorigiisa si aan ku tallo-gal ahayn uga qaraxday ay madaxa kaga dhacday, taas oo sababtay geeridiisa.

Taliyaha oo Geeska Afrika xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhay si aanu shilkan wax uga waydiino, ayaa sheegay in aanu askarigaasi is toogan, balse ay si aan ku tallo-gal ahayn rasaas ugu qaraxday  “Adeer askarigaasi isma toogan ee xabad ka qaraxday ayaa ku dhacday, waanu geeriyooday”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan, waxaanu intaa ku daray  “Sida Taliyaha qaybtu xaqiijiyey, askariga dhintay waxa uu markaa ka deggay (Fadhiistay) shaqada, waxaanu doonayey inuu seexdo meel xagga dambe ee saldhiga ah, markaas ayay rasaastu ku qaraxday (Alle ha u naxariistee)”

Taliyaha booliska Somaliland, sidoo kale waxa uu sheegay inay Wajaale u direen saraakiil dambi baadhis ah oo dhacdadan soo baadha “Saraakiil dambi baadhista ahna waanu u dirnay meesha oo baadhitaan soo sameeya” ayuu yidhi.

Taliye Fadal, wuxuu tacsi u diray qoyska iyo guud ahaan ciidamada Booliska ee uu askarigaasi ka geeriyooday, waxaanu marxuumka Alle uga baryay inuu naxariista janno ka waraabiyo.