Guddo-galka Dhagaysiga Dacwadii Cali Samatar Oo Baaqatay Iyo Sababta Keentay

0
926

 

killer

Hargeysa(Geeska)-Maxamed Cali Samatar oo ah dambiile dagaal oo loo haysto xasuuqii shacabka Somaliland ee sannadihii sideetamaadkii ay kula kacday dawladii Maxamed Siyaad Barre, ayaa ka baaqsaday inuu horyimaado fadhigii u horeeyay ee maxkamadda oo qorshaysnaa khamiistii doraad.

 

Fadhigii u horeeyay ee maxkamadda oo ahaa mid uu garsoraha dacwadda hayaa su’aalo ku weydiinayay Cali Samatar, ayaa baaqday ka dib markii uu ka soo xaadiri waayay Maxamed Cali Samatar. Aniis Cabdillaahi Ciise, oo ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland ee xilka iska saaray dacwadaynta eedaysanahan, ayaa xalay Geeska Afrikau sheegay in qareenkii Cali Samatar difaacayay uu maxkamadda ka hor sheegay inuu xanuunsanayo oo aanu maxkamadda horteeda iman karin si su’aalo loo weydiiyo, “Garsoorihii ayaa xanaaqay markii uu qareenka difaacayay u sheegay arrintan, waxaanu qareenku ku hanjabay inaanu mar dambe yeelayn inuu Cali Samatar maxkamadda ka maqnaado.” Ayuu yidhi Aniis, waxaanu intaas raaciyay, “Garsoorihii maxkamadu wuxuu ku hanjabay inuu talaabo sharci ah ka qaadi doono haddii uu ka maqnaado kulanka dambe.”

Kulanka dambe ayaa loo balamay bisha September ee isla sannadkan, waxaana madasha joogay labada qareen ee midi difaacayay Cali Samatar midna uu hoggaaminayo dacwadda ay gudbiyeen muwaadiniinta reer Somaliland ee dadkoodii la xasuuqay.

Kulanka maxkamadda ayaa ka dhacay magaalada Alexandriaee gobalka Virgina ee dalka Maraykanka waana maxkamadda la saaro dambiilayaasha dagaal.

Cali Samatar ayaa ahaa ninkii dabayaaqadii sideetamaadkii BBC-da ka qirtay inuu bixiyay amarka lagu duqeeyay magaalada Hargeysa oo ah caasimadda Somaliland oo lagu xasuuqay muwaadiniin tiro badan oo aan waxba galabsan balse keliya loo baacsanayay haybtooda reernimo.