Masuuliyiin Xisbiga UCID Ka Tirsan Oo Xukuumadda Ku Sifeeyay Aarsato Iyo Abaal Guda

0
927

DSC00796Hargeysa (Geeska) Waxaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa guddoomiyaha xidhiidhka goboladda iyo degmooyinka xisbiga UCID Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) Iyo guddomiyaha xisbiga UCID ee dalka Sacuudiga Axmed Cali Mahdi.

 

Masuuliyintan ka tirsan xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID waxaa si miisaan leh ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa gddoomiyaha xisbiga  UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga UCID Aadan Maxamed Mirre Waqaf, suldaan Maxamed Cabdiqaadir, suldaan Bare, salaadiin kale, taageerayaal aad u tira badan iyo xubno ka mida xisbiga UCID.

DSC00820Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo qolka nasashada kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dalka u yimaadeen qabashada iyo qaban qaabinta shirka golaha dhexe ee xisbiga Ucid, waxaanu shaaciyey in dhawaan la qaban doono shirkii golaha dhexe, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi  “Waxaanu u nimi sidaad ka war haysaan shirkayagii golaha dhexe ee xisbiga oo 25-ka bisha ah oo wada tashi iyo xisbiga aayihiisa noqon doona. Waxaa taas lafteeda ka soo soka maray waxaa la furay axsaabtii oo kolay waxaa iman doona is bedel, waxaa fiican si aanu u ilaalino isku duubnidayda in shirkaygu u bato wada tashi”.

DSC00799Gudoomiye Maxamed Ibraahim Aada waxa uu xukumada Somaliland ku tilmaamay inay tahay aarsato iyo abaal gudda, waxaanu yidhi “Waxaanu leenahay xukumadeena aarsato iyo abaal guda, waad ogaydeen oo xukumadu cid kasta oo faraha ku fiiqda wakhtigii olalihii, maanta u malayn maayo oo waxaa yimi xeer madaxweyne iyo xil ka qaadis, cid kasta oo wax u qabata ama maqaal u qorta maanta maamul iyo kursi ayey hayaan oo ay u fadhiyaan, laakin waanu ku bogaadinaynaa wanaaga danbe ee ay xukumadu hada samasay, waxaana ka mida gogashii widh widh iyo cadaalada Somaliland oo in badan laga dayrinaayey, waanu soo dhawaynaynaa isku bedelka uu dhawaan ku sameeyey golaha wasiirada, waanu ku bogaadinaynaa xaga amniga oo baryahan danbe wax is badaleen. Wax wanaagsan oo ay qabatay way jiraan laakin wali sidii la doonayey lagama wada helin”.

DSC00822Sidoo kale waxaa isna qolka VIP-da saxaafada kula hadlay Axmed Cali Mahdi oo ah gudoomiyaha xisbiga  Ucid ee sucuudiga, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “wadankan aynu joognaa waa mid ku abtirsada dhimasho, dhaawac, agoon, rajo iyo dhibaato.Meel wal oo aad istaagtaana waxay leedahay tilmaan sharci ah, hadii aad dib u yara eegtana dalka oo dhan galbeed ilaa barri waxa aad arkaysaa in uu qof walba kaga maqan yahay qof uu jecel yahay, walaashii, aabihii, adeerkii, walaalkii iyo qaybo dhan oo ka mid ah ehaladiisii, waxaas oo dhana waxa loo samaynayay in la helo cadaaladd, haddii la waayo waad ka war haysaan waxa aduunka ka dhacaya.

DSC00796Mar uu ka hadlaayey arrimaha cadaalada iyo xukumada cusub waxa uu yidhi “Xukuumadeenan cusub ee dhawaan la doortay waxa dul taagan su’aal, waxa loo baahan yahay cadaaladd, waxaanay shacabkii soo doortay ay leeyihiin allahayoow dab ma ii soo amaahatay, markaa waxa aan leeyahay inta aynaan odhan allahayoow ri’da yaa harageedii igaga celiya wax badan ha la saxo.waxa kale oo meesha ku jira in wakhtigii ay xukuumadii hore jirtay aynu ku dhaliili jirnay in aanay gaadhin meelo badan oo barriga ah, iminka bari ilaa galbeed dhibaatooyinka jira waynu wada maqlaynaa, rasaas baynu maqlaynaa, waxa aan leeyahay xukuumadda haddii aan shacabkeeda dhagaysan waydo oo dhibaatada ay tirsanayaan waxba laga qaban waayo waynu maqlaynaa waxa maanta ka taagan libya, masar iyo tuunis markaa waxa aan leeyahay wax badan ha laga qabto cadaaladda”.

DSC00823