Guddiga Wanaag Farista Oo Guurtida Ka Codsaday In Xeer Loo Sameeyo Dadka Diinta Caaya

0
545

Hargeysa(Geeska)-Gudida wanaag farista iyo xumaan reebista ayaa golaha guurtida jamuuriyada Somaliland ka codsaday inay sharci lagu xakameeyo u soo saaraan dadka aflagaadeeya Alle,Nabigiisa,Malaa’igta iyo diintiisa.

Gudigan ayaa golaha u sheegay inay maxkamadaha ka la’yahiin sharci dadka aflagaadooyinkaas gaysta lagu xakamaynaayo, waxaanay xuseen inay wakhtigan aad hoos ugu dhigeen dadka suuqyada aflagaadada noocan ah ku gaysan jiray.

Waxa sidan warbaahinta u sheegay gudoomiye ku xigeenka gudida wanaag farista iyo xumaan reebista Cali Yuusuf Xuseen ka dib markii ay la kulmeen gudida joogtada ah ee golaha guurtida, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu ugu nimi gudida joogtada ah ee golaha guurtida arimo ku saabsan alle cayga ama nebi (SCW) iyo diin cayga arintana waad ogaydeen oo waanu isku xil saarnay dalkana aad iyo aad ayay uga hir gashay in lagaga shaqeeyo waanay dabar go’day oo wax yar ayaa hadhay oo imika inyar oo dadka ka mid ha ayaa aflagaadadaas gaysata. Maadaama oo aanu maxkamadii ka soo ogaanay in aanay jirin wax qaynuun ah oo loo dhigay arintaa in golahu dalka u sameeyo sharci arimahaas lagaga duulo oo lagu xukumo qofka ku kaca, waayo maxkamadii waxay leeyahiin ma hayno wax sharciya oo cadaynaaya inaan arintaas wax ka qabano, markaas golaha waxaanu ka codsanaynaa inay soo saaraan oo nagu taageeraan sharci arimhaas wax lagaga qabanaayo, runtiina dadka Alle,Rasuulkiisa iyo Malaa’igtiisa caaya hada way soo yaraanayaan laakiin hadana in sharci lagu xakamaynaayo loo soo saaro waa ay u baahan  yahiin, insha allaahuna waxaanu golaha ka rajaynaynaa in raad la raaco uu sameeyo waanay soo dhaweeyeen.”

Gudida wanaag farista iyo xumaan reebista ayaa mudo dheer la tacaalayay sidii ay dadka uga dhax qaban lahaayeen dadka aflagaadeeya alle,rasuulkiisa iyo diintiisa, waxaanay inbadan oo dadkaas ah u geeyeen maxkamadaha arintaas oo  hakisay aflagaadooyinkaas.