Dugsiga Sare Ee Mujaahid Quulle Aadan Oo Shalay Xus U Qabtay Hawlkgalkii Bad-jeex

1
691

Picture1Hargeysa(Geeska)-Munaasibad lagu xusayay sannad-guuradii Soddonaad ee Hawl-galkii Badjeex oo ay Mujaahidiinta SNM oo uu hormood u ahaa Alle ha ha naxariistee Mujaahid Ibraahim Koodbuur ay ku furteen Naxariista janno Alle ha siiyee Mujaahid C/Laahi Askar Barkhad oo ay soo qaban-qaabiyeen Maamulka, macallimiinta iyo ardayda Dugsiga Sare Ee Mujaahid Quulle Aadan ayaa shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa. Dhacdadan waxa ka soo qayb-galay Mujaahid C/Salaan-Turki iyo Mujaahid Aadan Maal oo ka mid ah saddexda ka nool halgamayaashii geesinimada nafhurka ah ka fuliyay Xerada Miiska Saraakiisha oo C/Laahi Askar loogu hayay maxbuusnimo, taas oo ku beegnayd 12/April/1983-kii xilli loo dabbaal-degayay xuska aasaaska waxa loogu yeedho Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

 

  Ardayda dugsiga sare ee Quulle Aadan oo ay hoggaaminayaan Mujaahid C/Salaan-turki iyo Mujaahid Aadan Maal ayaa gaadiid ka raacay xarunta iskuulka iyaga oo maray Geerash Aw Aadan iyo waddada ka dambaysa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo ahaa meelihii soddon sanno ka hor laga ambaqaaday hawl-galkii badjeex ee lagu furtay C/Laahi Askar, halkaas oo ay xogo muhiim ah ardayda ku siiyeen halgameyaasha la socday, iyagoo aakhirkii gaadhay Miiska Saraakiisha oo ah rugtii badbaadadu ka dhacday.

 Ugu horreyn Maamulaha Dugsiga sare ee Quulle Aadan Abwaan C/Laahi Ibraahin Xaaji Xasan ayaa ugu horayn ardayda iyo guud ahaan shacabkaba ka codsaday in min kow iyo toban quluwalle loo akhriyo Geesiyaashii halgankaas fuliyey ee uu hormuudka u ahaa Mujaahid Ibraahin Koodbuur iyo Cabdillaahi Askar oo maalintaas ahaa Mujaahidkii la furanaayey in Illaahay naxariistii Jano ugu deeqo intoodii Geeriyootay, waxaanu nolol cisi leh eebbe uga baryey saddexda ka Nool hawl-galkaas.

 Abwaan Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan, waxa uu  sheegay sababta ay dugsi ahaan madasha u yimaaddeen, waxaanu yidhi “ Ujeeddada aanu soddon sanno kaddib xuskan u qabannay waa inaanu ardayda barno waddaniyadda iyo  in dalkani qiime adag innagu taagan yahay, waxaana nagu kallifay markii aannu ogaannay in sababta carruurteennu u tahriibaysaa ay tahay iyagoo aan ka war haynin dhibaatooyinkii xoreynta Somaliland loo soo maray. Yool kasta oo aanu lahaynna muu hirgaleen haddii aanay taageero iyo gacan joogto nala garab taagnayn Marwo Samsam Cabdi Aadan, WasiirkaWasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee qaranka, oo uu illaa saygeedii Alle ha u naxariistee Maxamed Xuseen Caabbi ku hawlanaa ururinta Taariikhda SNM. Himilada iyo higsiga dugsigani waa in ardaydiisu noqdaan jileyaasha halganka horumarinta Somaliland, hase ahaatee wixii taariikha ka hadalkeeda ah waxaanu maanta Marti uga nahay Mujaahidiinta halkan ku sugan oo ahaa raggii hawl-galkaas fuliyey.

 Taliyaha Ciiddamada Qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqalle ayaa soo gaadhay goobta xuska, isla markaasna si kalsooni leh ardayda ugu furay miiska saraakiisha taasoo suurtogelisay inay  arkaan qolkii ay Mujaahid Ibraahin Koodbuur iyo hanadyadyii wehelinayay ay kala baxeen Mujaahid Cabdillaahi Askar.

 Professor Siciid Cabdi Caamir oo ah aqoonyahan ururiya taariikhda SNM ayaa dhankiisa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku boorriyay in taariikhda halganka dib-u-xoreynta qaran lagu daro manhajka waxbarashada. Cabdi-Najax Siyaad Aw Cabdi La-taliyaha Dhallinyarada ee Madaxweynaha Somaliland ayaa Bahda Dugsiga sare ee Quulle Aadan ku bogaadiyay tallaabadan ay qaadeen isla markaasna dhallinyarada ku guubaabiyay inay dalkooda aaminaan, sidoo kale waxa uu iskuullada kale ugu baaqay inay ku daydaan tallaabadan ay qaadeen Bahda Dugsiga sare ee Quulle Aadan.

 Ugu dambayntii waxa ay ardayda iyo masuuliyiintii la socday safarkooda ku soo af-meereen booqasho ay ku tageen Xarunta lagu ururiyo taariikhda halganka iyo nabadda Somaliland “Museum For Peace and War” oo ku taalla Degmada Ibraahin Koodbuur ee caasimadda Hargeysa.

Comments are closed.