Somaliland Oo Ka Qeyb Gashay Tababar Saxaafadeed Oo Loo Qabtay Lix Dal Oo Afrikaan Ah

1
535

Nayrobi(Geeska)-Ha’yadda Tomson Reuters Foundation, Oo Hoostagta Wakaalada Wararka Reuters ayaa tababar kor loogu qaadayo mihnadda xirfadleyaasha warbaahinta Nairobi ugu qabatay 12 suxufi oo ka kala socday 6 dal oo qaaradda afrika ku yaala oo ay Somaliland ku jirto.

Tababarkan oo socday muddo shan maalmood ah oo maanta lagu soo gunaaday Nairobi, masuuliyiinta Ha’yadda Tomson Reuters Foundation, ayaa sheegay in tababarkan ay uga dan leeyihiin sidii loo kobcin lahaa xirfada iyo aqoonta suxufiyiinta afrika.

 

Waxa ay saraakiisha Ha’yadaasi sheegeen in 12-ka suxufi ee tababarkan qaatay ay ka kala yimaadeen lix dal oo afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Kenya, Simbabwe, Saambiya, Nigeria, Somaliland iyo Itoobiya.

Saraakiisha Tomson Reuters, waxay intaasi ku dareen in sanadka soo socda ay ku tallo-jiraan inay tababarkan ku qabtaan dalalka Somaliland, Ruwanda iyo Soomaaliya.

Tababarkan waxa Somaliland uga qeyb galay Weriye C/Kariim Siciid Saalax, oo ah agaasimaha HCTV ee gobalka Saaxil iyo weliba wakiilka gobalkaas ee Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu ka dareen celiyay tababarkan iyo ahmiyadii uu shaqadiisa u lahaa. “Waxaan ku faraxsan nahay inaan ka soo qeyb galo tababarkan waxtarka leh ee ay soo qaban qaabisay wakaaladda wararka ee Reuters,”ayuu yidhi C/Kariin Siciid Saalax, waxaanu intaasi ku daray “Waxa lagu baranayay waxyaabo badan oo la xidhiidha aqoonta saxaafadda, waxa nala baryay habka loo qaado waraysiyada iyo wararka kala duwan.”

“Shan maalmood ayuu socday Somaliland-na kaligay ayaan ka socday, waxaan rajaynayaa inaan macluumaadkii iyo aqoontii aan ka soo korodhsaday tababarkan aan kula guryo noqdo dalka si aan ugu dabaqo hawl-maalmeedkayga shaqo,”ayuu intaasi raaciyay Weriye C/Kariin Siciid Saalax.

 

Comments are closed.