Guddiga Tallo Bixinta Ururada Oo Cayimay Wakhtiga Ay Madaxweynaha U Gudbinayaan

0
904

 

guddidgaHargeysa(Geeska)-Guddiga ka soo tallo bixinta furashada ururada siyaasadda ayaa sheegay inay toddobaadka dambe u gudbin doonaan Madaxweynaha Somaliland, natiijada rayi ururin ay ka soo sameeyeen gobalada dalka.

 

Guddoomiye Ku Xigeenka Guddidii Madaxweyne Axmed Siilaanyo u xil saaray ka soo tallo bixinta furashada ururada siyasada Maxamed Cabdillaahi Ducaale, oo shalay saxaafadda ugu waramay  magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay rajaynayaan inay macluumaadkii ay soo ururiyeen u gudbiyaan Madaxweynaha todobaadka dambe.

 “Guddidii Madaxweynuhu u saaray ka tallo-bixinta ururadasiyaasada waa laga war sugayay, waxaana ka warqabteen oo isugu keen danbaysay markii Madaxweynuhu naga codsaday in 18-ka may, maadaama ay ahayd 20 guurada ka soo wareegtay gooni isu taaga Somaliland ee la soo noqoshadii madaxbannaanideeda in munaasibadaas awgeed inaanu yara hakino, sii fiicana way u qabsoontay oo qurbojooga iyo dadka guduhuba midnimo weyn bay muujiyeen si fiicana way uga qaybgaleen, waana wax Ilaahay loogu mahad naqo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay,

 

“Waxaan doonayaa inaan saxaafadda u sheego in hawsha la soo gebogebayn doono sida ugu dhakhsaha badan oo aan rajaynayo inaanay nala dhaafi doonin ugu danbayn todobaadka soo socda, waxaan Ilaahay ka rajaynayaa inuu halkaa ka soo bixi doono go’aan u heerseedi doona ummadda Somaliland horumar iyo in lagu wada qanco islamarkaana ay gudidu u gudbin doonaan madaxweynaha,”