Faysal Cali Waraabe Oo Berbera Ka Soo Degay, Saakana Hargeysa Laga Sugayo

0
882

 

caliHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa la filayaa inuu maanta soo gaadho magaalada Hargeysa.

 

Md. Faysal oo shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Berbera wuxuu muddo dheer ku maqnaa dalka Finland, waxaanu shalay ka gaabsaday inuu warbaahinta uga waramo xaaladaha kala duwan ee dalka iyo murano muddooyinkii u dambeeyay ka dhex jiray xisbiga UCID. Waxa uu Faysal maanta soo gaadhayaa magaalada Hargeysa, iyadoo uu jiro diyaar garow ay taageerayaashiisu ugu jiraan soo dhawayntiisa, waxaana la filayaa inuu taageerayaashiisa hadal u jeediyo.

Waxa shalay madaarka Berbera ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan xisbiga UCID oo ay ka mid ahaayeen xoghayaha guud, Afhayeenka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga cadaalada iyo daryeelka.