Dadkii Loo Haystay Guryo Gubistii Hargeysa Oo Maxkamadda La Hor Keenay

0
1082

 

Guryo-gubtayHargeysa (Geeska)-Maxkamada degmada Hargeysa ayaa shalay la hor keenay maxaabiis loo haysto inay ka danbeeyeen guryihii lagu gubay xaafada New Hargeysa horaantii sanadkan.

Raga loo haysto inay ka danbeeyaan falkaas ayaa waxaa maxkamada lagu keenay gaadhiga qafilan ee ay boolisku leeyihiin, kuwaas oo dhamaantood ku jeebaysnaa katiinado, waxaana lagu xareeyey gabood ka samaysay shabag shabag oo ku dhex yaalay halka lagu dhagaysanaayey dawcadooda.

Dadweynaha ka soo qayb galay dhagaysiga dacwada 12-ka nin ayaa iskugu jiray dumar u bada hooyooyin iyo qaraabo, odayaal, dhalinyaro iyo salaadiin magac ku leh Somaliland, kuwaas oo dhamaan dhagta u dhigaayey cadaynta iyo dacwada lagu soo oogay ragaas.

Labada xeer ilaaliyey ee u kala doodaayey dacwada 12-ka dacwaysane ayaa soo bandhigay markhaatiyo aan ilaa hada wax cad ka sheegin dadka lagu xidhiidhinaayo inay si turxaan la’aana uga dambeeyeen gubashada guryahaas, waxaase wali socota dhagaysi dacawada maxaabiista u xidhan falkaas.

 

Dumarka fadhiyey maxkamada ayaa dareen ahaan ahaa kuwo dhabana iyo gacmaha isa saaray, wajigoodana waxaa ka muuqday il nugayl ay u hayaan caroortooda iyo ragooda xidh xidhan, qaar ka mida hooyooyinka fadhigay maxkamada ayaa sharci daro ku tilmaamay sida ay sheegeen caruur yar yar oo u xidh xidhan falkaas in mudo ah, waxaanay intaas ku dareen in lagu haysto cadaalad daro waa sida ay u dhigeen hadalkoodee.

Garsooraha dhagaysanaayey dacwada 12-ka maxbuus ayaa maalinta axad ee todobaadka danbe dib ugu riixay dhagaysiga dacwadaas mar kale, waxaanu carabka ku dhuftay cid damaanad qaadi lahayd, arrintaas oo ka cadhaysiisay qaar ka mida dadkii meesha fadhiyey. Waxaase gacanta taagay suldaanka guud ee beelaha Somaliland suldaan Maxamed Cabdiqaadir, kaas oo ay markii danbe ka awood bateen kooxo uu hor kacaayey Suldaan Xiiray oo rabay in sharciga la mariyo ragaas.

 

Si kataba ha ahaatee markii laga dareeray xarunta dacwada lagu qaadaayey waxaa maxkamada horteeda isku fara saaray mid ka mida dadkii markhaatiga ahaa iyo shaqsi kale, kuwaas oo isku hayey qaabka uu markhaatiga u furay, hase ahaatee may soo kala gaadhin wax khasaare ah labadaas shaqsi ee isku af dhaafay markhaatiga.