Guddiga Dorashoyinka Nigeria Oo Bilad Sharaf Guddoonsiiyay Guddoomiye Muha Dahir

0
905

awardAddis Ababa (Geeska)-Guddoomiaha saxafiyiinta qaaradda Afrika Ms. Muha Daahir Farah jire oo  ka mid ahayd 2215  goob joogeyaashii Caalamiga ahaa ee Doorashooyinkii Madaxtinimo ee dalkaas Nigeria ka qabsoontey bishii 4aad ee sanadkan ayaa ka mid noqotey 18ka qof ee xulka lagu guddoonsiiyey Bilad maamuusedka doorashadaasi. Waxaana bilad sharaf guddoonsiiyay guddiga doorashoyinka ee dalka Nigeria.

 

Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta ee Africa dib u soo nooleynta magaca iyo milgahii Africa lahayd sanadihii halganka xoriyad doonka Ms.Moha Daahir Farah Jire ayaa lagu gudoonsiiyey Bilad maamuuseed diblomasiyadeed oo ku tacaluqda sidii ay doorashada dalka ugu tirada badan Galbeedka Africa ee Nigeria  uga qayb qaadatey, doorashadaasi oo ahayd mid aad xasaasi ah oo qoomiyado kala duwan iyo halgan diineed ba lagu tartamayay ayay Moha Farah Jire si firfircoon oo hanaanka Amniga, Xasiloonida iyo demoqraadiyada ee Caalamka waafaqsan ay ugu tafo xaydatey sida ay Gudiga doorashooyinka ee dalkaasi ku sifeeyeen abaalmarinta ay gudoonsiiyeen Moha Farah Jire. “Waxanu runtii si dhow oo feejigan ugu  kuur galaynay dhaqdhaqaaqa beesha caalamka ee doorashadaasi waxanay Moha Farah ka mid noqotey 18ka xeeldheere doorasho ee u qalma biladani. Waanu ku hanweynahay in Afrika lagu arko dhalinyar firfircoon oo wakhtigooda u haneeyey qaaradooda dhinaca Amniga iyo horumarinta diblomasiyada, siyasada iyo ka turjumida dareenka shacuubta ee saxda ahna si xasilooni badan yagleelideeda ku dheehantahay u gutey.

DSC01527

 

 

Sidaas waxa yidhi guddoomiyaha xidhiidhka caalamiga ah ee doorashooyinkii Nigeria Mr. Emunger I. Emmanuel, oo isagu biladda guddoonsiiyay, waxaanu intaas raaciyay,  “Fadlan sii wad Gudoomiye dhaqdhaqaaqaga ku aadan horumarinta xirfadlayaasha Saxaafada kuna dhiirada goor walba saamayta dowladaha Afrika idinkoo mihnadiina sida amniga iyo horumarka ku jiro ugu hoggaaminaya  madaxda Afrika, waanu kugu hanweynahay ayay Bilada gudoonsiinteeda.”17 ruux oo kale ayaa iyaguna halkaas lagu guddoonsiiyay bilad sharaftaas.

 

Moha Dahir Farah Jire  gudoomiyaha JAR (Journalists for African Renaissance) ayaa madasha mahadnaq uga celisey Safarada Nigeria ee Addiss Ababa oo munasibadan ugu qabatey ergooyinka caalamiga ahaa ee madasha bilada lagu gudoon siinayay, waxanay sheegtey inay ku faraxsantahay ka mid noqoshada goobjoogayaasha xulka ah ee ku guuleystey Bilada, “Runtii waxan filayaa in Africa is bedel dhinaca wanaagsan ah uu hadda ka bilaabanayo inta suxufiyiinta la maamuusayo ee lagu tixgalinayo waxqabadkooda waa horumar runtii weyn ,waanu jecelnahay in ay Qaarada Africa  magacii iyo hiigsigii wakhtiyadii Kwame Nakruma,  Kenneth Kaunda iyo hiigsanayeen Africa oo ka xorowda Dagaalo, xasilooni xumo, Cabudhin iyo musuqmaasuq hogaamiye yaashu keenan in la gaadhi hadii fikirka iyo hiigsiga aynu midayno ayay kusoo gabogabaysay hadalkeeda Moha Farah Jire.