Guddi Wasiiro Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo Xulay Iyo Guddiga Cadaaladda Oo Maanta Kulan Gondaha Is Daraya

0
509

 

45Hargeysa(Geeska)-Guddi shan wasiir ah oo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u saaray inay warbixin uga keenaan sida ay tahay xaalada cadaaladeed ee dalku, gaar ahaan maxkamaduhu, ayaa la filayaa inay maanta kulan la yeeshaan xubnaha guddiga cadaaladda.

Wasiirka  cadaaladda Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa ka dib markii uu Madaxweynuhu guddigaas wasiirada ah u xulay ka war keenista xaaladda cadaaladeed ee dalka, wuxuu qoraal uu ku dalbanayo in wasiirada loo soo shiriyo xubnaha guddiga cadaaladda u qoray guddoomiyaha Maxkamadda sare Md. Yuusuf Ismaaciil Cali.  Inkastoo la ilayo inay labada dhinac maanta yeeshaan kulankaas, haddana waxa la sheegay inuu guddoomiyaha Maxkamadda sare ka xumaaday qoraalka wasiirka cadaaladdu u qoray iyo la kulanka guddigaas wasiirada ahba, maadaama oo ay xukuumadda iyo bahda garsoorku kala madaxbanaanyihiin.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika, u sheegay in labada dhinac maanta yeelan doonaan kulan adag oo ay isku waajihi doonaan doodo kala duwan. Xubnaha wasiirada ah ee uu Madaxweynuhu mawduucan u wakiishay ayuu qorshahoodu yahay inay warbixin ka soo diyaariyaan xaaladda cadaaladda, iyagoo ka duulaya warbixin ay xubno wasiiro ahi ku soo bandhigeen shirarka golaha wasiirada iyagoo  soo bandhigay in cadaalad daradii sii siyaaday. Laakiin xubnaha guddiga cadaaladda ayaa la filayaa inay iyaguna dood sharci la horfadhiistaan xubnaha wasiirada ah, iyagoo u gudbin doona sida ay u kala madaxbanaanyihiin labada hay’adood oo kala ah fulinta iyo garsoorka.

Si kastaba ha ahaate, kulanka maanta ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmo ka hor ay wasaaradda cadaaladu tababar saddex bilood ah u furtay soddomeeye ruux oo loo carbinayo waaxda garsoorka.