Axmed Yuusuf Yaasiin Iyo Cali Warancade Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Goosanka UDUB Ee Ku Biiray Xisbul Xaakimka KULMIYE

1
564

 

787Hargaysa( Geeska )- Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Udub Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Cali Maxamed Warancade oo isna ka tirsan madaxda UDUB, ayaa waraysi gaar ah oo ay xalay siiyeen wargaysaka Geeska Afrika, siyaabo kala duwan uga hadlay khilaafka xisbiga Udub ee sababay in koox kamid ahayd ay ku biirto xisbiga Kulmiye.

 

Gudoomiye ku xigaanka xisbiga Udub Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ugu baaqay hoggaanka xisbiga Udub inuu baneeyo kuraasta si loo badbaadiyo xisbiga oo xaalad adag ku jira, Axmed Yuusuf waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu baneeyo xilka gudoomiye ku xigeenka ee xisbigaas uu ka hayo, gudoomiye Daahir Riyaale Kaahina waxa uu ugu baaqay sidaas oo kale.

Sidoo kale siyaasiga Cali Maxamed Warancade, ayaa ka hadlay aragtidiisa xubnaha xisbigooda Udub kamidka ahaa ee ku biiray xisbiga Kulmiye, isaga oo ku macneeyay in ay wax iska caadi ah tahay in loo kala guurguuro xisbiyada.

Ugu horayntii Axmed Yuusuf isaga oo ka hadlaaya aragtidiisa xubanaha ka go’ay xisbiga Udub ee Kulmiye ku biiray iyo sida uu u macneeyay go’itaankooda waxa uu yidhi “Kooxdan tagtay sababta ay ku tagtay waxay ahayd, waxa soo baxay gudiyo ilaa 15 guddi ah kuwaas oo ragan xoogiisa laga saaray iyada oo dhinac loo arkaayo, arintaas oo aan laysku ogayn, markii u danbaysayna waxaan isku ogayn Ramadaan ka horbay ahayd oo aan anigu talo ula tagay ( Rayaale )oo aan ku idhi waar ninyahaw khilaafkii waa kan cakirane inagu aan xisbiga ka hor dhaqaaqno.Waxaanu go’doomiyahu igu yidhi wada tashibaan arintaas kaga noqonayaa, halkii aan ramadaanta isku ogayn inaan kulano ayuu igu yidhi aan ramadaanta kadib u dhigano, markaas waxa lagu dhaqaaqay guddiyo aanan war ka haynin, waxaana lagu qoray dad badan oo qurbaha jooga oo aan warba haynin oo malinba midi ka baxaayo, waxas oo aan laysku ogayn iyo ragii xisbiga joogay oo meesha laga saaray, markaas ragan waxay ku fuqeen waa arinkaas.”

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Udub Axmed Yuusuf isaga oo ka hadlaaya sida lagu badbaadin karo xisbiga Udub waxa uu yidhi “ Maadama oo doorashadii lagu dhawaaqay oo ay dhawdahay waxaan jeclahay si xisbiga loo badbaadiyo in hoggaankayagu uu meesha baneeyo, aniguna sidaas diyaar baan u ahay si uu xisbigu u dhaqaaqo.”

Ugu danbayntii waxa uu Axmed Yuusuf Yaasiin ka hadlay mustaqbalkiisa siyaasadeed halka uu ku danbaynaayo  “Go’aankaygu waxa uu ku xidhnaanayaa kulankaas marka uu dhaco, laakiin hawqaadanina Axmed inuu xisbi ku biiraayo, marka darajada aan gaadhay uu qofku gaadho uma fiicna inuu guurguuro, laakiin waxaan noqon doonaa haddii arinku halkaas sii dhaafo  nin qaran oo waxaan ku biiri doona golaha guurtida, laakiin waxaan  leeyahay waar xisbiga aynu  ku badbaadino kuraasteena.”

Siyaasi Cali Maxamed Warancade oo isagana aan  la xidhiidhnay ayaanu su’aalanay sida uu u arko kooxda ka midk ahayd UDUB ee ku biirtay xisbiga Kulmiye, waxanu isaga oo arimahaas ka hadlaaya yidhi“Arimahaas waa kuwo iska caadi ah asxaabtana waa loo kala guurguuraa oo wax dhibaato ah malaha, laakiin xisbigu waa uu dhisan yahay waxaana la qabanayaa shirweynahiisii. Khilaafka u weyni waxa uu ahaa ragaas aan saaxiibada ahayn ee diga rogtay, iyagiina waa kuwaas oo waxay goosteen inay Kulmiye ku biiraan iyo qaar Ucid ku biirayba, xibigana waxa weeye mid sal balaadhan oo gobalada oo dhan ka jira, waana xisbigii dalka halkan soo gaadhsiiyaya mid si fudud ku  buburaayana maaha, qolyo Kulmiye ah oo aan balansanahayna waa ay jiraan oo imika noo soo socda, inkasta oo ururada imika cusub ay qabsanayaan taageerayaashii xibiyada haddana anagu wax dhibaato ah aan u aragno oalyahaas ma jiraan.”

Cali Warancade oo uu Geeska Afrika weydiiyay  maadaama oo uu Axmed Yuusuf wali xisbiga kamid yahay khilaafkii u dhaxeeyay labada garabna uu jiro sida ay wax ku xalinayaan waxa uu yidhi “Axmed Yuusuf waxa uu ka tirsanyahay madaxda sare ee xisbiga, xaqna waa uu u leeyahay xisbigiisa in uu joogo, gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenku dhawaan way wada hadaleen imika iidda way balansan yahiin waxaanan filayaa in khilaafku labadaas oday ku dhamaan doono.”

Ugu danbayntii Cali Warancade waxa uu ku hanbalyeeyay hoggaanka Kulmiye inay soo jeediyeen in la badbaadiyo xisbiga Udub  “Qolada Kulmiyana waan ku hanbalyaynayaa oo waxa uu yidhi xisbiga hala badbaadiyo, waxa kale oo aan gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ku hanbalyaynayaa hadalkii uu ka yidhi arinta Somaliya khatarta ay inagu hayso, waxaan leeyahay waxaan balan qaadaynaa arinta Somaliland in meel uga soo wada jeedi lahaa sidii loo difaaci lahaa.”

Comments are closed.