Googooska Maanta Iyo Maadayska Juxa: Juxa iyo Caanoolihii Khiyaamada Badnaa

0
952

Hargeysa (Geeska) Juxa oo aynu hore u soo qaadannay dhowr ka mid ah qisaskii maadayska iyo xikmadda is-huwan ah, ayaa uu Geeska Afrika cadadkiisan maanta ku soo qaadanayaa qiso kale oo ka mid ah sheekooyinkiisa xiisaha badan. Waxa aanay u dhacday sidan:

Tuulada uu Juxa ku nool yahay waxa ka shaqaysan jiray nin caanaha iibiya oo dadku ay isku waafaqeen in caanihiisu ay aad uga macaan yihiin ugana fiican yihiin kuwa la mid ah ee suuqa yaalla. Laakiin ninkan wanaagga waxa uu hayo iyo sumcaddii uu ku kasban lahaa waxaa tirtiray, khiyaaamo uu yaqaannay oo dadka oo dhamina ku ogaadeen, taas oo ahayd in markii dalabkiisuu batay uu bilaabay dhaqan ah in uu caanaha biyo ku daro si ay ugu bataan oo lacagta uu ka helayaa kor ugu kacdo.

Iyada oo dadka badankoodu ka dareen qaba in ninkani uu caanaha biyo ku daro, haddana maadaama oo ay caanihiisu weli ka macaanaayeen kuwa suuqa yaalla, isla markaana ka qiimo jabnaayeen dad badan ayaa indha isku qaban jiray oo ka iibsan jiray, Juxa ka mid ayaa uu ahaa oo ninkan caanaha biyeeya ayaa uu u ahaa macmiil. Maalintii dambe ayaa uu Juxa u  adkaysan kari waayey khiyaamada caanoolahan, isla markaana waxa uu doonay in uu dadka oo dhammaantood dareensan balse aan ku caddayn uu u furo hadalka hortoodana ku ceebeeyo ninkan.

Juxa inta uu soo qaatay laba weel ayaa uu yimi dukaankii caanaha, waxa aanu ku yidhi, Koob caano ah iga iibi Ninkii caanoolaha ahaa oo ka yaabban labada weela ee uu Juxa u dhiibay isaga oo doonaya koob keliya oo caano ah ayaa Juxa weydiiyey,

– "Oo weelka labaadna sidee aan idhaahdaa?"

Juxa waa intii uu rabay ee inta uu kor u qaaday codka si uu dadka oo aad ugu badnaa meesha u wada maqashiiyo ayuu yidhi, "Waxa aan doonayaa in Caanahana aad weel igu shubto biyahana ka kale, oo aanad iskaga kay darin"