Shirkii Wadamada Taageera Doorashooyinka Somaliland Oo Maanta Hargeysa Ka Furmaya Iyo Maraykanka Oo Ka Hadhay

0
559

Picture6Hargeysa(Geeska)-Waxa saaka magaalada Hargeysa si rasmi ah uga furmaya shirka ay yeelanayaan wadamada Somaliland ka taageera dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ee ku bahoobay dalada Democratization steering committee (DSC). Wadamadan oo ay wakiilo ka socdaa shalay soo gaadheen Hargeysa ayaa kala ah Norway, Ingiriiska, Jarmalka, Sweden iyo Midowga Yurub, waxase aan ka mid ahayn oo aan weftigan soo raacin dalka Maraykanka oo xubin ka ah, kaas oo aan la garanayn sababta uu uga hadhay. Shirkan oo ay ka qayb galayaan xisbiyada iyo guddiga doorashooyinku ayaa waxa lagu gorfaynayaa caqabadaha hortaagan doorashooyinka iyo sida lagu xalin karo islamarkaana doorasho lagu qaban karo dabayaaqadda sannadka 2016. Lama oga in xukuumadda Somaliland shirka ka qayb geli doonto oo ay ka dhiiban doonto fikirkeeda, waxase la filayaa inay xisbiyada mucaaradku ku soo bandhigaan aragtida ay ka qabaan sida ay doorasho ku qabsoomi karo iyo sida lagu xalin karo caqabadaha hortaagan qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah.