Saddexda Xisbi Oo Shalay Xafiiska EU Ee Hargeysa Kulan Wada Jir Ah Kula Yeeshay Sarkaalad Ka Socoda Xafiiska Nayrobi Ee Midowga Yurub Iyo Qodobada Laga Wada Hadlay

0
578

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxda saddexda xisbi qaran ee UCID, Waddani iyo KULMIYE ayaa shalay shir wada jir ah xarunta Midowga Yurub ee Hargeysa kula yeeshay haweenay ka socota xafiiska Midowga Yurub oo qaabilsanaan doonta xidhiidhka uu Midowga Yurub la leeyahay Somaliland iyo Somaliya.

Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen, ayaa waxa markii hore loogu tallo galay inay isku bartaan xisbiyada iyo haweenaydan cusub oo lagu magacaabo Marwo Eva, laakiin markii dambe waxa lagaga wada hadlay fulinta heshiiskii ay wada gaadheen xisbiyada iyo xukuumadu iyo sababaha hortaagan ee hirgelintiisa caqabada ku ah.

Kulanka oo uu sidoo kale goob-joog ka ahaa ergayga midowga Yurub ee xafiiska Hargeysa, waxa KULMIYE ka socday guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, Xasan Gaafaadhi iyo Cabdifataax Siciid, UCID waxa ka socday Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen, halka ay Waddani ka socdeen Boobe Yuusuf Ducaale iyo Cabdirashiid Riyo-raac.

Dhinacyadan oo la sheegay inay haweenaydan Midowga Yurub ka socotay weydiisay sida xal lagu gaadhi karo islamarkaana lagu fulin karo heshiiskii la wada gaadhay ee lagu xaliyay khilaafkii muddo kordhinta, ayaa waxay ka bixiyeen aragtiyo kala duwan. Sida ay xogo aanu xisbiyada ka helnay sheegeen xisbiga Waddani ayaa isagu soo jeediyay saddex qodob oo kala ah in madaxtooyadu golaha guurtida qanciso, inay muranka taagan maxkamadda sare u gudbiso iyo in madaxweynuhu guddiga doorashada ka dalbado inay cayimaan wakhti cusub dabadeedna uu digreeto ku ansixiyo. Saddexdaas qodobo midkood ayuu Waddani sheegay inay xal u arkaan.  Xisbiga UCID ayaa isagu sheegay inuu aaminsanyahay in kubadu imika taalo dhinaca Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa islamarkaana laga sugayo fulinta heshiiskii ay xisbiyada iyo xukuumadu wada gaadheen ee uu madaxweyne-xigeenku wakiilka iyo goobjooga ka ahaa. Waxaanu xisbiga UCID kulankaas ka sheegay inay xukuumadda waajib ku tahay fulinta heshiiskaasi.

Xisbiga KULMIYE ayaa isna la sheegay inuu kulanka ka sheegay inuu xisbiyadan kale ku raacsanyahay in la hirgeliyo oo la fuliyo heshiiskii la wada gaadhay, waxase uu ku taliyay inay xisbiyada mucaaradku xukuumadda iyo KULMIYE kala qayb galaan sidii loo qancin lahaa golaha guurtida oo uu KULMIYE tilmaamay inay guteen awood distoori ah.

Kulankan oo ay dhawr jeer xaraaradiisu sare u kacday islamarkaana ay isku muruxsadeen xisbiga KULMIYE iyo xubno mucaaradka ka tirsani, ayaa wuxuu ku soo dhammaaday iyadoon waxba la isla gaadhin marka laga reebo garnaqsi iyo inuu dhinac waliba doodiisa difaacay. Geesta kale, xubno ka tirsan Midowga Yurub oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay
Midowga Yurub iyo wadamada kale ee doorashooyinka Somaliland taageeraa diyaar yihiin haddii la isku raaco in doorashooyinka la qabto December 2016.