Madaxweynaha Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiiro iyo Taliyihii Ciidanka Booliska Oo Dib Loogu Magacaabay Gen Saqadhi Dubad

2
955

55

Hargeysa (Geeska) War-saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa maanta lagu shaaciyey isku shaandhayn lagu sameeyey xukumada madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, taas oo meesha laga saaray wariiro hore iyo taliyayaal ka tirsan booliska qaranka Somaliland.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa 26-kii May ee la soo dhaafay shaaciyey in isku shaandhayn lagu samayn doono xukumada Axmed Siilaanyo, saadaashaa uu waragysku helay ayaa sheegaysay in masuuliyiin xilka haatan laga qaaday in xilkooda ay  waayi doonaan.

War-saxaafadeedka isku shaandhaynta ayaa lagu yidhi sidan:

Date: 11/06/2011

 

War-saxaafadeed

 

Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)

 

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:   Ahmiyadda wayn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:   In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,

 

Markuu Ka Fiirsaday:   Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

 

Markuu ku Qancay:                     In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.

 Waxa uu maanta  Digreetooyin Madaxweyne ku magacaabay Wasaaraddo Cusub iyo Wasiiradii xilalkaa buuxin lahaa sidoo kale waxa uu madaxweynuhu isku shaandhayn ku sameeyey Wasiirada iyo Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Dalka, Halka uu madaxweynuhu Digreeto madaxweyne  Xilalkii kaga qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska JSL iyo Wasiirkii Hore ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,  iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha, waxaanu madaxweynuhu Magacaabay Masuuliyiintii Xilalkaa buuxin lahayd.

NO

Magacyada Masuuliyiinta Cusub

Magacaabida

Wasaarada loomagacaabay

1

Cabdirisaaq Cali Cismaan 

Waxa loo magacaabay

Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta

2

Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacmay)

Waxa loo magacaaba

Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga

3

Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan

Waxa loo magacaaba

Wasiiru Dawladaha Wasaaaradda Arrimaha Debeda

4

Xirsi Cali Xaaji Xasan

Waxa loo magacaaba

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada

5

Cabdi Siciid Faahiye

Waxa loo magacaaba

Wasiirka Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka

6

Maxamed Saqadhi Dubad

Waxa loo magacaaba

Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL

7

Xuseen Axmed Caydiid

(Hore u ahaa Wasiirka Hawlaha Guud)

Waxa loo magacaaba

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka

8

Ismaaciil Muumin Aar

(Hore u ahaa Wasiirka Cadaalada)

Waxa loo magacaaba

Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka 

9

Maxamuud Raage Ibraahim

Waxa loo magacaaba

Agaasiamah Guud ee wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah

10

Axmed Dalal Faarax

Waxa loo magacaaba

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada

11

Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh)

Waxa loo magacaaba

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka

12

Maxamed Faarax Xirsi

Waxa loo magacaaba

Agaasimaah Guud ee Wasaarada Deegaanka iyo Horu-marinta Reer Miyiga

13

Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye

Waxa loo magacaaba

Agaasimaha Guud Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta

14

Siciid Axmed Jibriil

Waxa loo magacaaba

Agaasiamaha Guud  ee Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta

15

Axmed Cilmi Barre

Waxa loo magacaaba

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dib-u-dejinta

16

Xasan Cabdi Madar

Waxa loo magacaaba

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada

 

Waxaanay kala yihiin sidan 

Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahadnaqaya mudadii ay xilkaa hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabiduba waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday

No

Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday

Xilka uu hayey

1

Cilmi Rooble Furre

Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska JSL

2

Maxamed Ibraahim Madar

Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka

3

Siciid Cali Wayrax

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

4

Axmed Nuux Caalin

Agaasimihii Guud ee Hore ee Macdanta,  Biyaha iyo Tamarta

5

Axmed Cabdilaahi Rooraaye

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta

 

Madaxweynuhu waxa uu Digreetooyinka Magacaabista, Xilka Qaadista iyo isku shaandhaynta ku amray masuuliyiinta ay khusayso in ay sida ugu dhakhsaha badan ula kala wareegaan Xilalka loo igmaday.

 

ALLAA                         MAHAD                             LEH

 

Cabdillaahi Maxamed Daahir  ( Cukuse )

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Wargeyska Geeska Afrika

 

 

Comments are closed.