Bagay Taariikhdu U Qortay Siilaanyo & Saleebaan Oo Qaranka Somaliland Ugu Sareeya!!

27
1045

qoryaaleAkhristahayga xurmada badanoow,madalkasta maqaal bay leedahaye,maalin dhoweyd ayaanu aniga iyo Boqor Maxamuud Cali Carab,aqalka salaadiinta Subeer Awal booqanay, boqor Maxamud ayaana muraad u lahaa suldaanka guud ee beesha Subeer Awal,kadibna nasiib wanaagna isaga oo suldaan Xassan Suldaan Cabdillaahi markaas uun aqalka fadhiistay ayaanu kula kulanay,salaan dabadeedna waxa uu suldaanku nagu qaabilay soo dhoweyn wanaagsan iyo fadhi dhamaystiran,markii waxoogaa la fadhiyay ayay noo yimaadeen salaadiin kale oo beesha Subeer Awal ahayd oo aan ka xusuusto Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan,Suldaan Ismaaciil Aadan Baxar iyo suldaan shariif,

 

Kadibna sheekadii siyaasadeed ee maalmihii ciidulfidrigii xiisaha igu haysay,ayaan si kaftan ah usoo bandhigay,aniga oo ku halqabsaday boqor Maxamuud Cali Carab,ayaan ku bilaabay,horta Boqoroow weynu ku guuleysanahay inaynu kol uun aragno Siilaanyo oo madxweyne Somaliland ka ah iyo Saleebaan Aadan oo gudoomiyihii Guurtida ah ama labadan oday oo Somalilandba ugu sarreeya,weliba ku bishaareyso oo Siilaanyo haddii aanay wad iyo wadeeco kursiga ka qaadin,odayagaas tartankii doorashada ayaa lagaa helay ee noosoo bannee qasriga in lagu odhan doono filimaayo,xaashaa ka lilaah, sidaasi ninka dhalinyarada ah ayay ku wanaagsan tahay balse odaygan 80 jirka ah,Ina Cigaalbana ogaayo,beeluhu ridistiisa iskuma raaci doonaan waa haddii uu aanay dhankiisa ka imanin oo aanu laftiisu ku qancin inuu sidasa yeelo ee ogaada.  .

Boqoroow waxa kale oo ka naxay,kana xumaaday inay muwaadiniinta Beesha Habarjeclo u dhashay ay badankoodu sidii Cali Dool ay shaqada aga xaaraantimeeyeen xukuumadihii hore ee Somaliland,oo ay shaqo ka takooris qarsoodiya saarayd,wixiii ka horeeyay maalintii madaxweynaha Axmed Siilaanyo loo dhaariyay hogaaminta

dalka.maxaayeelay,waxaan aad uga naxay maalintii uu saaxiibkay Khadar Maxamed oo sarkaal wasaaradda maaliyadda ah oo ka cabanayay, mid ka mid ahaa maqaalo fara badnaa oo isaga joogto uu ugu dhaliili jiray,wargayska YOOL,sanaddii 2011kii,ianiga oo ninkaas aan u aqoonsanahay dhaqaale-yahanka qudha ee xilligan isbedelka lataaban karo kusoo kordhiyay, hab socodka howlaha wasaaradda maaliyadda,isaga oo hal abuuray unkidda waaxda cusub ee ka hortagga musuqmaasuqa gudaha wasaaradda iyo dakhli kordhinta,waaxdaas cusub oo uu xilkeediina si buuxda u hantay .sidaas darteed ayaan u weydiiyay maanta maxay YOOL kaa sheegtay?,waxa uu iigu jawaabay,madaxdii kastamada dalka ayuu saraakiil Habarjeclo ah u wada dhiibay ayay igu eedeynayaan,saaxiibkay Khadar oo ay ku eedeeyn jireen,inuu wasiirkii hore ee maaliyadda dhegtiisa haystay,ayaan hadana weydiiyay,dee sidaasi miyay jirtaa?. ma jirto laakiin haddii ay jiri lahaydba,muxuu wargeysku u sheegi waayay inay saraakiisha wasaaradda maaliyadda ee  boqol qof ka badan ay beesha Habarjeclo ka maqnayd 21kii sano ee dhammaaday,oo 2 sarkaal oo keliya ay ku lahaan jirtay,?!!,waa yaabe ma dhabbaa inay Habarjeclo laba sarkaal oo keliya ay saraakiisha  W.maaliyadda mudadii wax la dhuuqdhuuqi jiray ku lahaan jirtay?,haayoo hebel iyo hebelkii kastamka kala baydh ku xigeen ka ahaa ayayba lahaayeene dalka waad joogtaye bal car sarkaal kale oo beeshaas ahaa ii sheeg ayuu igu yidhi?,aniga oo sii hubsanayay,ayaan  sarkaal Sacad Muuse ah oo wasaaraddaas ah,su,aalay warkii Khadar ii sheegey,wuuna ii xaqiijiyay.inta aan naxay oo aan amakaagay ayaan kii dambe ku idhi,oo Cumaroow siday ku dhacday,?waxana uu iigu jawaabay,dee waa mucaarad beeshaasi uunbaa lagu odhan jiray oo sidaasay xilalkii sare ee ay W.maaliyadda ku lahaayeen badankoodu ku waayi jireen!!.saaxiibkay ayaan kusoo noqday oo aan ku idhi waaryaa Khadar oo illeen bulshada Habarjeclo cadaadiskii shaqsiyadayda ssarraa ayaa wada saarraa mudadaas dheer?.

Hadaba boqoroow arrintaasi waa dhab oo dulmigaas wuu jiray,waxana aan idiinku damqaday si aanan naftayda ugu damqanin.balse waxaan kaga bogsoonayaa mudadan 2da sano ah ayay Habarjeclo waxoogaa biyo cabtay oo ay yara wabaxday,halka Cali Qoryooley weli guul ooman uu ku jiro,mase cabanayo oo qorraa madaxbanaan oo qarankiisa qalinka caaraddiisa ku difaacaya ayaan ahay,qoraayaduna xisbiyada siyaasadeed inay kala raacaan,dan uma aha iyaga iyo shacabkoodaba,sababtaas ayaanan Kulmiye iyo xisbi kaleba ugu biiri waayay,Balse boqoroow wakhtigan karka iga dhacay waxa weeye,inaynu aragnay Axmed Siilaanyo oo madaxweynihii dalka ah  iyo Saleebaan Aadan oo gudoomiyihii Guurtida wada ah oo Jamh.Somaliland ugu sareeya oo isbarbar fadhiya oo salaantii dadweynaha Somaliland qasriga madaxtooyada ku wada qaadanaya.salaadiintaas mooyaane dadkii kale ee aan arrintaas kala hadlay waxaan u raacinayay,maalmahan oo dhanna cidkasta oo aan ku odhanayay (alleylehe bagaan u arkay Siilaanyo iyo Saleebaan oo dalka ugu sareeya oo weliba maalintii ciidulfidriga 2012kii saaloonka madaxtooyada is barbar fadhiyay).laakiin wasiirka duulista hawada mudane Maxamuud Xaashi Cabdi,oo aanu waagii Cigaal mucaarad jaala aan ahaan jiray,ayaan maalin dhoweyd oo Hoteel Maansoor ku kulanay ereyadaas ku idhi,kadibna inta uu qoslay ayuu,sheeko gaaban oo cinwaankeedu ahaa (waa lugta lugteedii) iiga sheekeeyay,salaadiintii madashaas joogtay ayuu boqor Maxamuud oo u faafaahinayay uu ku yidhi,horta siyaasiyiintii Habarajeclo markii ay xilkaas haweysteen,ee ay xisbiyada u furteen tartankii mansabkaas,shirar badan ayaanu wada yeelanaya,(ninbaa boqorka hadalkiisii dhexgalay oo yidhi,dee waa shirkiinii Gar adag aadku shirteen),isaga oo si watay ayuu yidhi boqorku,kabasoo qaad shirkaasba oo,markii waxgaradkii beeshu isku wada raaceen inaaanu kursiga ugu sareeya tartan u gallo,oo musharaxna uu noo noqdo Axmed Siilaanyo,waxgaradkii beeshu,waxay kula dardaarmeen,hadal weyn oo nuxurkiisu ahaa,(Axmedoow,haddii aad maanta waxgaradka beesha ku tidhi, walaalayaal   doorkan idhisa,waanu kaa aqbalay,laakiin,waxaanu kugula dardaarmaynaa,inaad dalka Somaliland daacad u ahaatid,adiga uu ku dadaalaya inaad beesha magic xumo ka ilaalisid,oo aad halkii uu Cigaal gaadhsiiyay iyo dhaxalkii uu uga tagay umadda Somaliland iyo halkii uu Daahir Riyaale gaadhsiiyay qarankan inaad kasii ambaqaadid,oo aad taariikh iyo wax wanaagsan oo lagugu xusuusto aad uga tagtid shacabka iyo jiilka kaa dambeeya,taasna wuu naga aqblay,ayuu boqorku yidhi),waxase xusid mudan su,aalihii faraha badnaa ee aan weydiinay boqorka aniga iyo salaadiintii kale ,sida, ilaa imika Siilaanyo dardaarankaas fiicnaa ee beesha miyuu ka baydhay mise wuu ku socdaa?  iyo su’aal kale oo ahayd, weli khaladaad uu galay ma kala hadasheen, oo waxaas ka joog ma ku tidhaahdeen madaxweyne Siilaanyo?.boqor Maxamud C. Carab si hufan oo odaynimo ku jirtay,oo aan lagu dhallin ayuu uga wada jawaabay,tusaale ahaana,waxa jawaabihiisii ka mid ahaa,horta ilaa imika siyaasadda cusub ee uu la yimid Siilanayo,waa intaas dhinaca dibadda ah ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ah,siyaasadaasna biya dheceedii waa weli oo in lagu fashilmo iyo in lagu guulaysto midkood uunbay noqon doontaa,waana kolba sida raga shaqadaas haya daacad uga noqdaan,ilaa imikase wax ka sheegeedu ilama qumana. Habarjeclana sida beelaha qaarkood ninkooda madax qaran noqda,amar ma siiso oo hebel wasiir ka dhig iyo hebel xil ha u dhiibin midna kuma tidhaahdo oo dhaqan umalaha,

Waxa kale oo aan si kaftana ah ugu idhi,hadda boqoroow madaxtooyadu waa goobtii ay wada fadhiisan jireen Sheekh Ibraahim iyo Madaxweyne Cigaal,,odayadaas oo kasoo wada jeeday beeshayada Subeer Awal,laakiin odayadaas wey isaga durugsanaayeen,abtirsiimo ahaan inta ay isu jiraan Siilaanyo iyo Saleebaan.markii la isla eegeyna waa la igu raacay.,kadibna boqorka ayaa ku kaftamay laakiin Subeeriyadu Cigaal wey ku raaci jirtay khalad iyo saxba,anaguse khaladka iskuma raacno ee waanu iska qabanaa, waxa intaas ii dheereyd aniga oo waayadaas mucaarad aad ugu kulul ku ahaa madaxweyne Cigaal,sidaas awgeedna dhibaatooyin dhinackasta leh ay igu dheceen,oo la igu odhan jiray, Caliyoow ma waxaad doonaysaa inuu Cigaal dhoco oo uu Siilanayo ama Saleebaan Gaal madaxweyne  noqdo?,maxay nagusoo darsadeen?,soowtii ay  lacagtii Somaliland ay diideen maaha?ma sidaasay madaxweynanimada dalkan ku doonayaan reer Burco? waxay igu odhan jireen Caliyoow kaa yeelimayno taase wax kale keen?,halka aan dhinaca kalena saaxiibadeydii beeshaas ahaa,aan ka maqli jiray,wallaahi haddii doorkan murasharaxaas beesha Habarjecloi la dooran waayo,in muddo dheer Habarjeclo la doondooni doono,oo nin dambe oo madaxnimo doonaya ooo reer Sheekh Isaxaaq ah ana la arki doonin.

Qoraa ahaan anoga oo arrimahaas ka shidaal qaadanayay ayaan in Axmed Siilaanyo lagu fadhiisyo kursigii madaxweynaha Somaliland ee Cigaal ku fadhiyay aan sir iyo caad ugu howlgalay.tusaale ahaan 10kii Oktoobar 1996dii Bayaan  siyaasadeed oo “Ergo Qaran” la odhan jiray oo aan faafiyay,una qaybiyay dhammaan ergooyinkii shirbeeleedkii Hargeysa ee dhamaaday horaantii 1997kii,bayaankaasoo aan laba ujeedo ka lahaa,waa midda koowaade,inaanay reer Somaliland laba shirbeeleed oo laba madaxweyne lagu kala doorto kala qabsan,laba hogaamiye kooxeedna aan la kala raacin,(shirkii Tuulada Beer laga waday iyo shirbeeleedkii Hargaysa ).qoraalkaygaasi waxa uu ku talinayay in shir qudha la isugu yimaado,beelkastana farriin waano iyo calool xaadhasho ah ayaan ugu qorayd.waa midda labaade in isbedel hogaamineed Somaliland ka dhoco,ayaan baqo la,aan ugu caddeeyay.aniga oo talooyin badan kadibna si caddaan ah ugu  xardhay,in shirka Hargeysa la isugu yimaado kadibna kursiga hogaaminta Somaliland laga qaado marxuum Maxamed X. Ibraahim  Cigaal oo loo doorto mudane Axmed Siilaanyo,ku xigeenna loo doorto Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, waxa intaas ii dheereyd aniga oo aad u ixtiraami jiray Siilaanyo, oo weliba markii uu wasiirka maaliyadda ahaa 1997-1999kii,ee uu sarif bararkii lacagta Somaliland ee khatarta dhaqaale innagu ahaa uu dejiyay waan ku ammaani jiray.waxabana laga yaabaa in bayaankaygaas 1996dii uu sabab u ahaa kadib markii Cigaal dib loo doortay,inay raggii xukuumaddiisii dambe  ka tirsanaa ay caddaadin badan oo dhinac shaqo iyo dhinac  nololeedba I  taabanayay  ay igula kecaan.aniga oo tixraacayay odhaanhdii ahayd inay xukuumadan Siilaanyo isbedel ballaadhan dalka u keeni doono,ayaan 16 sano kadib galay ama aan booqday qasriga madaxtooyada jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu markay ahayd 17kii Januweri 2011kii.

Sikastaba ha ahaatee,ugu dambayntii xukuumadan madaxweyne Siilanayo waxaan ka codsan lahaa bal inay naga iibsadaan buugaagta cilmiga ah iyo kuwa taariikhda bulshadeena ah ee la isu xil qaamay ee la ururinay ee ay qoraayada Somaliland ee tirade yari diyaariyeen ama ay hal abuureen,maxaayeelay wax qoristu waa tallaabada koowaad ee umadaha Aadamuhu xagga horumarka ay u qaadaan,mana jirto umad horumar gaadhay iyada oo aanay kumanaan buug alifin qooraayadooda aqoonta leh ee albaabada maskaxdu u furan yihiin,kadibna dowladoodu aanay buugaagtaas kala shaandheyn,wixii cilmi anfac leh noqdana aanay bulshada ku dhex faafinin kuna dabaqin nolosha dadkeeda.

Xukuumadda mudane Siilaanyo ha eegto  waxa uu sheegayo qodobka 16aad ee Dastuurka Somaliland,sidaan (dowladda ama xukuumadda waxa ku waajib ah inay taageerto oo ay dhiirigeliso cilmi baadhisaha iyo hal abuurka bulsheed,iyada oo u daabacaysa buugaagta ay qorayaasha muwaadiniinta ah diyaariyeen)  

Comments are closed.