Geeda Tiinka Oo La Ogaaday In Uu Coodhcoodhka Maqaarka Ula Dagaalamo Si Ka Tayo Badan Dacarta (2)

0
870

Waxaa hore loo ogaaday in dheecaanka geedka dacartu uu daryeel caafimaad oo heersare ah u leeyahay maqaarka, dhibaatooyin badanna ka daweeyo. Laakin hadda waxaa soo baxay geed kale oo lagu tiriyo in ay dacarta isku yihiin oo leh faa’iido ka badan dacarta u leh ka hortagga coodhcoodhka. Waa geedka qodaxda badan ee tiinka. Saliid laga soo saaro geedka Tiinka ayaa imikaba loo isticmaalaa samayska noocyo kala duwan oo ka mid ah kiriimada iyo saliidaha la isku qurxiyo.

Qormadan oo tii labaad ah waxa aynu ku eegaynaa hababka loo isticmaali karo tiinka si looga faa’iidaysto waxtarkiisa caafimaad.

Dhibo saliidda tiinka ama muudkiisa ah ayaa gacanta lagu tifaaqinayaa kaddibna labada calaacaladood ayaa la is xoqayaa cabbaar yar si loo kululeeyo, markaas kaddib ayaa wejiga la marinayaa iyada oo si khafiif ah oo wareegsan wejiga loogu duugayo.

  1. Waxa kale oo saliidda Tiinka loo isticmaali karaa in laga sameeyo cajiin gaar ah oo wejiga la marsado, kaddib marka lagu qoosho walxo kale oo dabiici ah. Markan oo kale waxaa la isku darayaa qaddar malqacad weyn (Malqacadda cuntada lagu cuno) oo saliidda dacarta ah, malqacad weyn oo saliidda tiinka qodaxda leh ah, malqacad weyn oo malqab ah, malqacad yar oo (Malqacadda sonkorta shaaha lagu qaado) muudka liin dhanaanta oo daraya ah. intaas oo la isku walaaqay ayaa wejiga iyo qoorta la mariyaa toddobaadkii laba jeer, kaddib marka la nadiifiyo. Waxaa lagu daayaa 20 daqiiqo, kaddibna waxaa la iskaga maydhaa biyo aan kulayl iyo qabow midna ahayn, kaddibna waxaa lagu maydhaa biyo qabow.
  2. Kiriimka aad caadi ahaan u isticmaasho wejiga habeenkii ama maalintii waxa aad dusha kaga dari kartaa dhibo saliidda tiinka qodaxda leh ah, kaddibna waad ku walaaqaysaa sida caadiga ah ee aad kiriimka u isticmaali jirtay ayaanad u isticmaalaysaa.
  3. Saliidda laga saaro tiinku waa saliid engagan oo maqaarku si fudud oo dhaqso ah u nuugi karo, meelaha ay sida gaarka ah ugu fiicantahayna waxaa ka mid ah indhaha hareerahooda oo ay ka bi’iso coodhcoodhka, kana daweyso baraha madow, sida oo kale waxa ay ka hortagtaa coodhcoodhka dadka qaar ku soo degdega.
  4. Waxa ay wax ka tartaa daweynta fin doobka, iyo dildillaacyada ku samaysma maqaarka, iyo raadadka ay nabarrada iyo finanku kaga tagaan maqaarka.
  5. Timaha: Saliidda Tiinku kelideed kuma filna in ay maqaarka dux rasmi ah u yeesho, laakiin waxa ay xoojisaa adkaysigiisa, waxa aanu nidaamiyaa walxaha qanjidh duxeedku soo daayo ee loo yaqaanno ‘Sebum’ oo ah dufan timaha dahaadh sare u noqda.
  6. Saliidda Tiinku waxa ay wax weyn ka tartaa wanaajinta caafimaadka maqaarka madaxa, waxa aanay nidaamisaa dheecaannada duxeed ee ay soo saarto. Waxa ay xoojisaa caafiamadka tinta oo sida oo kalana ay dhalaal dabiici ah u samayso.

Xeeldheereyaasha baadhista ku sameeyey waxtarka saliidda tiinku waxa ay ku talinayaan in toddobaadkii hal mar saliidda tiinka la mariyo timaha, laguna daayo muddo 30 daqiiqo ah, kaddibna shaamboo lagaga maydho. Waxa ay caawinaysaa nafaqaynta timaha, muuqaalkooda oo ay qurxiso iyo jajabka oo ay ka bi’iso.