Dadka Yuhuudda Ah Oo Diidan Saxnaanshiyaha Isir Ee Itoobiyaan Ay Israa’iil Doonayso In Ay Qaaddo

0
619

Kumannaan Itoobiyaan ah oo ku nool xeryo qaxoonti oo u dhow magaalada Addis Ababa ee casimadda dalkaas ayaa isu diyaarinaya in ay Israa’iil dhoofiso dhulka ay dawladdeedu ka dhisantahay. Dadkan qaarkood waxa fursaddan sugayeen sannado badan oo ay qaadatay in Israa’iil fulinayso go’aankeeda ah in ay qaaddo qof kasta oo caddeeya in uu qaraabo ku leeyahay Israa’iil. Laakiin qaadista dadkani waxa ay muran badan ka dhex abuurtay dadka Yuhuudda ah, maadaama oo sida ay dhigayso shareecada Yuhuuddu aanay dadka la qaadayaa ahayn Yuhuud, balse ay yihiin qaraabada iyo tafiirta dad aan dhalasho ahaan reer Israa’iil ahayn balse diin ahaan uun Yuhuudiyadda u qaatay.

Dadka Yuhuudda ku abtirsanaya ee Itoobiya ayaa isugu jira kuwo diinta haysta oo lagu magacaabo Beta Israa’iil iyo kuwo kale oo iyagu diinta Kiristaanka qaatay ama guursaday qof Kiristaan ah waxaana lagu magacaabaa Falashaha (Falash Mura). Laakiin badankoodu diinta Kiristanka doorasho kuma ay qaadan ee taariikho hore ayaa dawladihii Itoobiya ay ku qasbeen ama ku rideen xukunno maxkamadeed oo ku qasbaya in ay kiristaan noqdaan. Dadka la qaadayo waxa kale oo ku jira dad ay soo dalbadeen dadkooda oo hore ay Israa’iil u qaadday. Benina Tamano-Shata, wasiirka Socdaalka ee Israa’iil oo iyada qudheedu ka mid ah Itoobiyaanka ay hore Israa’iil u gurtay ayaa sheegtay in dabayaaqada sanadkan 2020 ka iyo 2022 ka la qaadi doono dadkan.

Dad badan oo xitaa ay ku jiraan dad ka mid ah Yuhuuddii hore looga qaaday Itoobiya ayaa ka soo horjeeda in dadka ay Israa’iil ka qaadayso Itoobiya aan lagu eegin in ay Falasha yihiin, oo macnaheedu yahay in ay diinta Yuhuudda qaateen, balse lagu eego in ay isir ahaan Yuhuud yihiin. Waxa ay ka digeen haddii aan sidaas la odhan in ay suurtageli doonto in dad Kiristaan aha muslimiin ahi ay soo dhex raacaan, taas oo mustaqbalka dhaawaci karta istaraatijiyadda Israa’iil ee ah in Israa’iil ay noqoto dawlad ay leeyihiin dadka isir ahaan Yuhuudda ahi. Sida oo kalana dad badan oo Yuhuud ah ayaa aaminsan in Yuhuudiyaddu ay tahay diin isirka Yuhuudda u gaar ah oo ay u dhasheen sidaas awgeed aanay sax ahayni n qaddarin la siiyo cid isir ahaan aan Yuhuud ahayn oo diinta Yuhuudda qaadatay.