Xildhibaan Reer AWDAL Ah Oo Sheegay Inaanay Ku Qanacsanayn Go’aan Maxkamadda Sare Ka Soo Saartay Doorashada

0
476

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Cabdiqaadjir Jibriil Tukaale oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somalilad ee soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa sheegay in aanay sinaba u ogolaan doonin go’aanka Maxkamadda sare ee ku saabsan in Doorashada Golaha Wakiilada lagu galo sidii hore.

Xildhibaan Cabdiqaadjir Jibriil Tukaale oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Go’aan iyo shuruuc ay soo saarto Maxkamadda Dastuuriga ah go’aan ku lid ah Maxkamaddu kama soo daba saari karto, waana khalad, Waayo? hore ayey Maxkamadda sare ee Somaliland u go’aamisay in Doorashada dambe ee Golaha Wakiilada lagu galo saami qaybsi, markaa go’aanka Maxkamadda sare  kuma qanacsanin, waxaanu yeelaynayna maaha ee dantu waxay nagu kalifaysaa in aanu Maxkamadda heeg tagno”.

Mar uu ka hadlayey saddexdii Madaxweyne ee talada dalka iskaga dambeeyey ayaa yidhi “Daahir Rayaale gobonimo ayuu sameeyay, waanu badheedhayey markii uu arkay in Doorashadii wakhtigeedii uu soo koobmay ayuu go’aan deg-deg ah qaatay, sidaas darteed in muddadaas dheer saami-qaybsiga waxba laga qaban waayo, oo la iska dhego mariyo waxaan u arkaa inay tahay in beel qudhi Somaliland leedahay, waxaana u arkaa in dastuurka dalka in sida doono laga yeelayo, Beelaha darafayada Somaliland diyaar uma ah inay Doorasho bilaa saami-qaybiya galaan, dadkayaguna diyaar uma ah, ee haddii aynu Somaliland wada leenahay saami-qaybsiga hala sameeyo oo Dastuurku aayad iyo quraan maaha ee dib ha loo furo”