Geeda Tiinka Oo La Ogaaday In Uu Coodhcoodhka Maqaarka Ula Dagaalamo Si Ka Tayo Badan Dacarta (1)

0
1064

Waxaa hore loo ogaaday in dheecaanka geedka dacartu uu daryeel caafimaad oo heersare ah u leeyahay maqaarka, dhibaatooyin badanna ka daweeyo. Laakin hadda waxaa soo baxay geed kale oo ay dacarta isku qoys yihiin oo faa’iido ka badan dacarta u leh ka hortagga coodhcoodhka. Waa geedka qodaxda badan ee tiinka.

Saliid laga soo saaro geedka Tiinka ayaa imikaba loo isticmaalaa samayska noocyo kala duwan oo ka mid ah kiriimada iyo saliidaha la isku qurxiyo. Tijaabooyin la sameeyeyna waxa ay daahfureen in dahaadhka sare ee caleenta ballaadhan ee tiinka iyo midhaheedaba ay ku jiraan isku dhisyo hodan ku ah maaddooyin la dagaalama mariidka iyo curiyeyaal dux leh oo jidhka si heerkeedu sarreeyo u daryeela. Faa’idooyinka ay xeeldheereyaashu sida gaarka ah u tilmaameen ee maqaarku uu tiinka ka helo waxaa ka mid ah:

  1. Tiinku waxa uu hodan ku yahay asiidho duxeedka aasaasiga ah ee ilaaliya duxda maqaarka iyo heerka qoyaan ee ay lakabyada gudaha hoose ee maqaarku u baahan yihiin. Sidaas awgeed in saliidda tiinka la marsadaa waxa ay si xeeldheer u qoysaa una daryeeshaa maqaarka, gaar ahaan maqaarka engagan.

Saliidda Tiinku waxa ay hodan ku tahay faytamiinnada ay ka mid yihiin C, E, K iyo L sidaas awgeed waxa ay si xooggan u caawisaa awoodda uu maqaarku u leeyahay is cusboonaysiinta. Waxa kale oo saliiddan ku jira maaddo loo yaqaanno Talaaline oo awood u leh in maqaarka ay ka ilaaliso khatarta fallaadhaha qorraxda, isla markaana la dagaalanto sababaha keena coodhcoodhka iyo gabowga.