Yuhuuddu Waxa Ay Aaminsantahay In Afrikaanku Ay Ka Soo Tafiirmeen Wiil Ina Nebi Nuux (Sc) Ah Oo Uu Aabihii Habaaray

0
759

Buugga Deymoon Alqiyaama oo ah masraxiyad taariikheed uu qoray Axmed Yaxye A-Sayniyi waxaa ku jira qiso xiise gaar ah leh oo tilmaamaysa aragtida ay Yuhuuddu ka aaminsantahay dadka kale, gaar ahaan Afrikaanka. Bogga 73naad ee buuggan oo soo baxay bishii Noofambar ee 2018 ayaa waxa uu ku sheegayaa in sida uu qabay kitaabka Tawraat markii ay dhacday duufaantii lagu qarqiyey Nebi Nuux (CS) tolkiisii caasiyey, dadkii ku badbaaday doonnida ay ka mid ahaayeen saddex wiil oo ilma Nebi Nuux (CS) ah, aadamaha hadda adduunka joogaana ka soo  tafiirmay.

Wiilka ugu weyn oo Saam ahaa ayaa uu buuggu sheegayaa in markaas ay duufaantu dhacday da’diisu ahayd 98 sano, 500 oo sano oo dambana uu sii noolaa. Saam waxa uu dhalay afar carruur ah oo kala ahaa Caylaam, Aashuur, Aaraam, Arbaajshaad iyo Luud (Ma’aha magacii nebi luud cs. Balse waa la dhawaaq).

Buuggu waxa uu sheegayaa in dadka isirradoodu yihiin, Ashuuriyiinta (Assyrians), Yuhuudda, Carabta iyo Araamiyiintu ay ka soo tafiirmeen wiilkii Aadam dhalay ee Saam.

Xaam oo Ina Nuux (SC) ah ayaa uu buuggu sheegaya in uu da’ ahaan ahaa qofka labaad, waxaana la aaminsan yahay in ay ka soo tafiirmeen dadka Afrikaanka ah, Amaasiqiyiinta iyo Masaaridii hore (Faraacinadii).

Arrinta maadda ah ee uu buuggu sheegayaa waa dadka Yuhuudda ah oo aaminsan yihiin in kitaabka Tawraat uu sheegay in wiilka Xaam ee ina Nuux (CS) uu ahaa inkaar qabe. Wiilkan maalinta inkaartu ku dhacdayna sidan ayaa uu u sheegayaa, “Waxa uu maalin maalmaha ka mid ah arkay aabihii oo qaawan, kaddib waxa uu arrintii uga sheekeeyey laba ka mid ah walaaladii. Markii Nebi Nuux (SC) ogaaday warkii ayaa uu Uumiyaha (Alle) ka baryey in aanu barakayn tafiirta Xaam” ayaa uu buuggu ku andacoonayaa. Inkasta oo dadka taariikhda lafagura qaarkood ay aaminsan yihiin in sheekadan la sameeyey beri dambe markii reer Israa’iil ay xilligii nebi Daa’uud (CS) galeen dhulka Falastiin hadda tahay. Waxa ay ahayd qorshe la doonayey in dadka lagaga dhaadhiciyo in qabsashada iyo deggitaanka dhulkani ay tahay saadaal nebi oo rumowday.

Wiilka saddexaad ee Ina Nuux waxa uu ahaa Yaafis, waxaana la aaminsanyahay in tafiirtiisu ay tahay dadka reer Yurub. Kitaabka Tawraat mid ka mid ah nuqulladiisa hadda Yuhuuddu haysataa waxa uu qorayaa in Yaafis uu dhalay toddoba carruur ah oo kala ahaa; Jawmar, Majuuj, Tayraas, Jaafaan, Mishiikh, Tawbaal iyo Maadaay” Dadka Beershiyiinta (Faarisiyiinta), Giriigga, Maydiyiinta, Kurdiyiinta, dadka deggen Ayrlaan (Ireland), dadka deegaanka Hangari (dalka Hungary), Isloofaakiya, Talyaaniga iyo Jarmalka ayaa uu buuggu sheegayaa in ay ka soo tafiirmeen Yaafis oo ina Nuux ah.

Wiilka Afaraad ee Yuhuuddu ay aaminsan tahay in uu tafiirmay waa Kancaan ama Yaam sida mararka qaarkood loo qoro. Da’ ahaan waxa uu ahaa ka ugu yar. Waxa uu buuggu sheegayaa in wiilkani uu ahaa kii ku kufriyey aabihii, kaddibna ku qarqoomay duufaantii tolkii Alle ku rogay. Inkasta oo ay jiraan dad ku abtirsanayey Kancaaniyiinta oo deggenaan jiray dhulka hadda ee Falastiin haddana taariikhda Islaamku waxa ay dhigaysaa in wiilkani aanu tafiirmin. Laakiin Tawraat (Nuqulka hadda) waxa ay dhigaysaa in xilligii duufaanta ee Nebi Nuux uu Alle go’aansaday in adduunyada uu ka tirtiro dadka dhammaantood marka laga reebo inta wanaagsan. Sababta loo ciqaabayna ay ahayd dembiyada iyo macaasida la gelayey oo batay. Kaddib waxa ku hooray roobab ma hiigaan ah oo 40 maalmood aan habeen iyo dharaar mar keliya kala joogsan. Dhulkii oo dhanna biyihii ayaa daboolay illaa uu isu beddelay biyo fadhiisin weyn oo doonta uu nebi Nuux sameeyey ee dadka wanaagsan lagu badbaadinayey ay muddo 150 maalmood ah dushooda sabbaynaysay si ay uga badbaadaan qaraqa intii kale dilay.

Buuggani waxa kale oo uu sheegayaa in ay jiraan qoraallo kale oo Yuhuuddu leedahay laakiin aan imika ka mid ahayn kitaabka muqaddaska ahaa. Qoraalladaas oo qaarkood mar ku jiri jireen kitaabka laakiin laga saaray ayaa sheegaya in Nebi Nuux (SC) markii uu dhashay ahaa nin aad u cad oo nuur badani oogadiisa saaran yahay, illaa heer qolkii uu ku dhex dhashay oo dhami iftiimay. Waxa kale oo ay sheegayaan in Nuux isla markii uu dhashayba uu bilaabay salaad iyo duco, iyo in dhismaha doonidii badbaadadu uu qaatay muddo 120 sano ah.

FG:

Kancaan waxaa hadda loo yaqaannnaa in uu yahay maaca taariikhiga ah ee gobal dhaca dhulka hadda ay ku yaallaan dalalka Falastiin, Lubnaan, qaybo ka mid ah Suuriya iyo Urdun. Dadka gobalkaas deggaan ahaanta u lahaa ayaa isirkooda lagu sheegay in uu ahaa Kancaaniyiin, Waxa aanay Yuhuuddu ku andacootaa in Kancaaniyiintu ay ka mid ahaayeen liiska ummado diintu Fartay reer Bani Israa’iil in ay dabargooyaan, sidaas awgeed waxa ay ku tilmaamaan ‘dadkii ay Israa’iiliyiintu halaageen’.  Inkasta oo ay qisadaasi burinayso qaybo ka mid ah kitaabka xogta ku jirta Tawraat ka ay sheegtay.