Golaha Wakiilada Oo Ansixiyey Ajandahooda Oo Qodob Xasaasi Ah Lagu Soo Daray

1
686

 

Picture5Hargeysa (Geeska) – Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shalay ansixiyey ajandaha kalfadhigooda 21-aad, kaasi oo toddobaadkii u dambeeyay ay ka doodayeen qodobbadiisa.

Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada oo uu guddoominayye Guddomiye ku xigeenka koowaad ee Golahaasi Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa cod gacan taag ah lagu meel-mariyey ajandaha kaldhafiga 21-aad ee Wakiilada, oo lagu soo daray xeerka shidaalka iyo Macdanta oo hore aan ugu jirin, balse doodii ajandaha laga galay xildhibaano badan soo jeediyeen in qodobkaasi lagu soo daro, maadaama oo dalka ka socdaan hawlo shidaal baadhis ah oo aan ilaa hadda lahayn xeer lagu maamulo.

Fadhiga lagu ansixiyey ajandahan oo ay ka soo xaadireen 43 mudane, ayaa 36 ka mid ah ogolaadeen in sidiisa lagu ansixiyo, halka 6 ka aamuseen, saddexna diideen, Guddoomiyuhuna aanu ka codaynin.

Ajandahan oo xambaarsan 8 xeer oo golaha wakiilada hor-yaala, kaasi oo uu ugu xaasaasisan yahay xeerka shidaalka iyo Macdanaha oo ajandaha lagu soo daray maalintii shalay oo la ansixinayey ajandaha, ayaa waxa ku soo daritaankiisa ajandaha soo dhaweeyay xildhibaan Ibraahim Rayte oo ka mid ahaa Mudanayaasha Golahaasi ee hore u soo jeediyay in ajandaha lagu soo daro qodobkaasi “Waan soo dhawaynayaa in ajandaha lagu soo daro (Xeerka Shidaalka Iyo Macdanta), waana arin iska cad oo nidaamka dawladnimo ee aynu ku dhaqanaa waa nidaam ku dhisan sharciga iyo kala dambaynta, nidaamkaasina waxa uu dhigayaa in waaxda fulinta, sida Wasiirrada iyo ciddii kaleba awooddaha ay ku shaqeynayaan uu bixiyo sharcigu, haddii aanu sharci jirin macnaheedu waxa weeyaan qofkaasi awood umalaha waxa uu samaynayo inuu sameeyo, sababtu waxa weeyaan awooddan uu adeegsanayo sharciga ayaa go’aynaya oo xaddidaya” ayuu yidhi xildhibaan Ibraahim Rayte oo Geeska Afrika waydiiyay sida uu u arko qodobka cusub ee ajandaha la ansixiyey lagu sp daray.

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay inay gole ahaan jecel yihiin in hawlaha shidaal baadhistu hakadaan in xeerkoodu soo baxay  “Halkii hawshu ka bilaabmi lahayd waxay ahayd in wasiirku xeerkii (Xeerka shidaalka iyo Macdanaha) ka soo shaqeeyo oo uu golaha Wasiirrada soo mariyo oo uu baarlamaanka keeno, Baarlamaankuna ansixiyo, markaana awooddaha xeerkaasi siiyo ku shaqeeyo oo uu wax ku fuliyo, markaa waxaanu jecelahay in inta xeerkaasi soo baxayo ay hakadaan hawlaha shidaalka ee iska socda” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya shirkadda cusub ee xukuumaddu heshiiska kula gashay dalka Maraykanka ee DNO “Shirkaddani waxay la mid tahay shirkaddihii hore ee la siiyay, laakiin waxaan u arkaa waa Timirtii horeba dab loo waayaa, maadaam oo wixii horeba taagan yahay, mana filayo in waxaasi oo shirkaddo ah awooddeena amni ku filan tahay”

Comments are closed.