Wada Hadaladii Hawada Oo Ka Bilaabmaya Turkiga Iyo Saddex Qodob Oo Ay Somaliland La Gole Tagayso

0
569

Picture5Hargeysa(Geeska)-Wada-hadallada maamulka hawada ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ayaa toddobaadkan dib uga bilaabmaya dalka Turkiga, waxaana magaalada Hargeysa shalay ka amba-baxay wefti uu hoggaaminayo wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi. 

Wasiir Maxamuud Xaashi oo saxaafadda la hadlay ka hor intii aanu Turkiga u socdaalin ayaa yidhi “Wefti ka kooban aniga iyo afar xubnood oo kale waxaanu galabta u baxaynaa Waddanka Turkiga oo aanu kaga qayb-galeyno shir dawladda Turkigu nagu Casuuntay. Shirkaa waxa lagaga wada hadlayaa Masiirka iyo Mustaqbalka Murankii ka taagnaa mashruucii Hawada ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ee imikana noqday Somaliland iyo Soomaaliya. Shirkaa waxa ka qayb-galaya Dawladaha Somaliland, Turkiga, Soomaaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada ee ICAO oo Mashruucan gacanta ku haysa imika. Sidaynu la wada soconno Mashruucan ay gacanta ku hayso Hay’adda ICAO muddo dheer ayuu wada hadalkeedu soconayey ismaan dhaaf iyo is afgaran waa baa ka soo baxay, markaa shirka aanu Turkiga u tageyno waxa loo qabanayaa inuu xalliyo khilaafaadkaas, waxaanu ILLAAHAY ka rajeynaynaa inaanu Xallinno.”

Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland waxa uu tilmaamay in Taawar dawladda Soomaaliya ka taagtay Muqdisho si looga Maamulo Hawada Somaliland iyo Soomaaliya aanu xal u noqonayn khilaafka jira “Muranka ka taagan Mashruuca Hawada xal u noqon maayo Xamar oo laga taago Taawar laga maamulaa, annaguna yeeli mayno wax Qarannimada ummaddayada meel ka dhac ku ah”ayuu yidhi, oo uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay Wasiir Xaashi.

Wasiirka oo geesta kale u waramay weriye Barkhad Kaariye oo VOA ka tirsan  ayaa  sheegay in Somaliland ay dooneyso inay dhacaan saddex arrin midkooda, kuwaasi oo kala ah; in Hawada laga maamulo Hargeysa, ama hawada loo kala gooyo Somaliland iyo Somaliya, ama in Qaramada Midoobay  ay gacanta kusii hayso.

Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu wacad ku maray inaanay aqbali doonin in hawada laga maamulo Muqdisho, islamarkaana haddii saddexdaas midkood aysna dhicin ay mar kale isaga soo tagi doonaan wada hadallada.

Dawladda Turkiga ee martigelinaysa wada hadalkan Hawada, ayaa ku guuldaraysatay hirgelinta heshiisyadii ay hore u wada saxeexdeen Somaliland iyo Somaliya, waxaanay dadka siyaasadda falanqeeyaa aaminsanyihiin inaanu Turkigu dhex ka ahayn wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, sida aanu imikaba si dhexa ugu qaybin labada dhinac caawimooyinka uu bixiyo.

Saddex xubnood oo Wasiir Xaashi safarkaasi ku wehelinayey ayaa kale ahaa Wasiir ku xigeenka Duulista Saciid Cabdi Maxamed, Agaasimaha Duulista Saciid Mahadi Ileeye, iyo La Taliyaha Wasiirka, Axmed Cumar Caga-dable.