Ganacsade Cambaareeyay Baaq Aanu Ogayn Oo Magaciisa Lagaga Been Abuurtay

0
650

 

Hargeysa(Geeska)-Ganacsade Cabdillaahi Ismaaciil Aadan, oo ka mid ah ganacsatada reer Somaliland ayaa sheegay in magaciisa lagaga been abuurtay baaq shalay ku soo baxay wargeysyada dalka qaarkood, kaas oo lagaga hadlayay dhul u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa, oo lagu samaynayo maalgashi.

Ganacsade Cabdillaahi Ismaaciil Aadan, wuxuu beeniyay inuu ka mid yahay dadka baaqaas soo saaray, waxaanu sheegay inuu taageersanyahay cid kasta oo dalka iyo dadka wax u qabanaysa.  “ Anigu waxana ahay nin ganacsade ah caaqilna ma hi, saaka[shalay] subaxnimadii ayay jaraadika niman badan oo akhriyay ila soo hadleen, waxaanay igu yidhaadeen goormaad caaqil noqotay, waxaanan ku idhi anigu caaqil ma ihi.” Ayuu Cabdillaahi ku yidhi qoraal uu warbaahinta u qaybiyay, waxaanu intaas raaciyay, “Waxa la igu daray dad ka hadlaya dhul u dhexeeya Dacar-budhuq iyo Abdaal, waxaanan cadaynayaa inaanan anigu liiskaas ku jirin islamarkaana aanan ka war hayn meel lagu qoray. Waana been abuur cidda qortay aan kala xisaabtami doono. Anigu waxaan ku jiraa dadka soo dhawaynaya cid kasta oo dalka iyo dadka wax u qabanaysa.”