Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Soo Bandhigay 200 Oo Hoobiye Oo Laga Soo Qabtay Borame

0
622

 

fadalHargeysa(Geeska)-Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland C/laahi Fadal Iimaan oo uu Weheliyo Taliyaha Qaybta Miinada ee Ciidanka Booliska Cumar C/Laahi Qaasaali ayaa shalay soo bandhigay Laba Boqol oo Hoobiye,kuwaas oo ay ciidamada Boolisku ka heleen Guri ku yaal Magaalada Boorama.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Warbaahinta ugu Waramayay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska ee Caasimada Hargaysa ayaa tilmaamay in soo qabashada Hubkan ay kaalin weyn ku lahaayeen dadkii lahaa guriga hubkan la dhigay,oo ku soo wargaliyay Ciidanka Booliska in hubkaasi yaalo Gurigooda.

Taliyuhu wuxuu u mahadceliyay Qoyska lahaa Gurigaas, Waxaa kale oo uu ka codsaday Shacabka Somaliland inay Ciidamada la yeeshaan wada shaqayn isla markaana ay la soo socodsiiyaan wax kasta oo nabadgalyada wadanka wax u dhimaya.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland C/Laahi Fadal Iimaan waxa uu u soo jeediyay Ururada Siyaasada iyo Xisbiyada ku loolamaya doorashada inay ka taxadiraan gaadiidka Xawaaraha ku socda ee dadkuna dusha ka fuulaya kuwaas oo dhalin kara ayuu yidhi Khasaare Nafeed iyo Mid hantiyeedba,isagoo intaas ku daray inay arrintani baalmarsan tahay Sharciga Nabadgalyada Wadooyinka.