Gacan-ka-hadalka Qoyska Gudihiisu Waxa Uu Sannad Kasta Sababaa Khasare Gaadhaya 8 Tirilyan Oo Doolar

0
859

Oslo (Geeska)- Dagaalka qoyska gudihiisa ka dhaca oo inta badan khasaarihiisu ku dhaco dumarka iyo carruurta ayaa sannad kasta galaafta nolosha dad tiradoodu ka badan tahay inta ku dhimata dagaallada kala duwan ee dunida ka socda, isla markaana dhaqaalaha adduunka sannad kasta geliya kharash ka badan 8 Tirilyan oo doolarka Maraykanka ah. Ankeh Holver oo ka tirsan jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska iyo James Viron oo isna ka tirsan jaamacadda Stanford ee isla dalkaas ayaa daraasaddan ku yidhi, “Qof kasta oo ku dhinta faranta dagaallada sokeeye ee dunida ka socdad, waxaa u dhigma ugu dhowaan 9 qof oo ku dhinta loollanka iyo khilaafka shakhsiyaadka dhex mara” Daraasaddan waxaa lagu sheegay in sannadihii ugu dambeeyey ay 20 illaa 25 dal oo dunida ka mid ah ka dhaceen dagaallo sokeeye oo burburiyey dhaqaalihii maxalliga ahaa, khasaaraha ka dhashayna uu sannadkii gaadhayo 170 Bilyan oo doolar.

Laakiin dhagaraha dilka ah ee ka dhex dhaca shakhsiyaadka caadiga ah oo weliba ragga u badani  waxa uu sannadkii dunida geyeysiiyaa kahsaare dhan 650 Bilyan oo doolar, in kasta oo ay lacagahaasi marka la eego aad u badan yihiin, haddana waxa ay yaraanayaan marka la barbar dhigo khasaaraha lacageed ee ku yimaadda sababo la xidhiidha gacan-ka-hadalka qoyska dhexdiisa ah, gaar ahaanna dumarka iyo carruurta soo gaadha oo isaguna sannad kasta dunida khasira lacag dhan 8 Tirilyan (Halka Tirilyan waa kun bilyan). Daraasaddani waxa ay sheegtay in hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan carruurta ee UNICEF ay qirtay in qiyaas ah 290 Milyan oo carruur ahi ay sannad kasta gacan-ka-hadal loola jeedo edbin kala kulmaan guryahooda.