Qaniinyaa Qaniinyo Kaa Goysa: Abeeso Ka Xoog Badan Ayaa Qabsatay, Markaasuu Qaniinyo La Miciinsaday

0
692

Nairobi (Geeska)- Nin u dhashay dalka Kenya ayaa qaniinyo miciinsaday si uu isaga furfuro abeeso aad u weyn oo dagaal adag oo saacado qaatay uu dhex maray, kadib markii inta ay isku duubtay ay xoog ugu jiidatay geed dushii. Ben Niombe oo maamula beer ku taalla deegaanka Malindi oo ku yaalla xeeliga badweynta Hindiya ayaa markii masiibadani ku dhacday ku dhex jiray hawl maalmeedkiisii caadiga ahaa. Ninkan arrintani ku dhacday oo mar sii horreysay u waramay wargeyska uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay oo la yidhaahdo, Dail Nation ayaa yidhi, "Waxa aan dareemay wax jilicsan oo aan ku istaagay, markii aan hoos dhulka u eegayna waxa aan isla ilbidhiqsiyo gudahood arkay abeesadan oo sida dabarka isugu duubtay labadayda cagahaygii, waxa ay ahayd abeeso aad u weyn, kor ayaa ay u soo kacday oo waxa ay si deg-deg ah ugu guulaysatay in ay sidoo kale isku duubto qaybta sare ee jidhkayga"

Ben Niombe waxa uu u sheegay wargeyskan ka soo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya in markii uu arkay in abeesadu si rasmi ah uga buuxsatay uu is tusay in jidka keliya ee u bannaani yahay in uu qaniinyo miciinsado. Laakiin abeesadii waxa ay ku guulaysatay in ay xoog ku jiidato ninkan oo ay ula cararto dhinac uu ka xigay geed weyni. Ben Niombe oo is arka in aanu itaal ku hadhin ayaa inta uu isku rogay abeesadii qaniinyogawsaha ka buuxsaday, isaga oo qaniinsan ayaanu la soo baxay talefankiisii gacanta oo uu u qayshaday ninkii beerta lahaa oo isna markiiba soo gurmaday, isaga oo weliba wata askari booliis ah. Ben Niombe qaniinyada oo keliya kuma uu ekaan ee waxa uu ku guulaystay in uu shaadhkiisa madaxa kaga duubo abeesadan xoogga badan. Isaga oo ka waramaya sida uu dagaalkaas adagi ku dhammaaday, waxa uu Niombe yidhi, "Aniga iyo abeesadii oo is wadana ayaa dhulka si xanuun badan ugu wada dhacnay, laakiin markii ay aragtay dadka kale ee soo gurmaday ayaa inta ay dhaqso ii sii deysay waxa ay ku guulaysatay in ay baxsato" Ben Niombe waxa uu ka badbaaday abeesadan isaga oo dhaawacyo dhex-dhexaad ah qaba.