Madaxweyne Siilaanyo Iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Iska Saamxay Qardoofooyinkii Siyaasadeed, Kuna Heshiiyay In La Furo Bog Cusub

0
713

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa toddobaadkan dhammaaday qasriga madaxtooyada ku qaabilay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, oo hore u ahaa guddoomiye xigeenka xisbiga KULMIYE, balse shirkii saddexaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE xilka lagaga qaaday si jujuub ah islamarkaana awood ciidan madashii shirka lagaga saaray.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankaas, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in muddo loo kala dab qaadayay ka dib ay ugu dambayn Madaxweynaha iyo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ku kulmeen xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeysa. Warku wuxuu sheegay in dood iyo garnaqsi ka dib ay Madaxweynaha iyo siyaasigani iska cafiyeen wixii dhacay ee ahaa qardoofooyin siyaasadeed, islamarkaana la isla gartay in la bilaabo jawi cusub oo siyaasadeed. Warku wuxuu intaas ku daray in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir aqbalay soo jeedin uu Madaxweynuhu u soo gudbiyay oo uu nuxurkeedu ahaa in mar haddii la is cafiyay si toos ah loo wada shaqeeyo, lana joojiyo wixii hadalo ahaa ee warbaahinta la isu marin jiray.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaan ka qayb gelin shirkii jaraa’id ee u dambeeyay ee ay masuuliyinta madasha wada tashiga oo uu ka tirsanaa sida adag ugu dhaliileen Madaxweyne Siilaanyo. Inkastoo uu shalay ka qayb galay casuumad ay dhallinyarada bariga Hargeysa u sameeyeen madasha wada tashiga haddana wax hadal kama uu jeedin.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin, haddana waxa soo baxaya warar sheegaya in sidoo kale ay Madaxweynaha iyo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isla qaateen in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka mid noqdo golaha wasiirada Madaxweyne Siilaanyo oo muddo dheer la hadal hayay inuu isku shaandhayn ku samayn doono, waloow aan la saadaalin karin cidda lagu bedeli doono.

Cabdiraxmaan Cabdiqadir ayaa xilkii guddoomiye xigeenka xisbiga KULMIYE si jujuub ah lagaga qaaday bishii April ee sannadkii 2012 markaas oo uu socday shirkii saddexaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa wakhtigaas ka dib wuxuu dhaawacyo soo gaadhay u galay cisbitaalo ku kala yaala magaalooyinka Hargeysa iyo London ee Somaliland iyo Ingiriiska.

Qaabka wakhtigaas loola macaamilay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu waxay kala kulmeen cambaarayno maxali ah, intaas ka dibna wuxuu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka mid ahaa siyaasiyiinta madasha wada tashiga oo si adag uga soo horjeeda siyaasada hoggaamineed ee Madaxweyne Siilaanyo.