Jacaylkii Aan Qoysku Barakayn Hindiya Waxa Uu Ka Sababaa Xasuuq Iyo Dhiig Daata

0
547

Delhi (Geeska)- Guur aan qoyska lammaanaha is guursaday barakayn ayaa ku dhammaaday xasuuq iyo xididkii  oo madaxyada iska guray, kadib markii dhegta dhiigga loo daray 8 ka mid ah qaraabadii inanka.  Sida ay talefishanka CNN ee dalka Maraykanka u caddeeyeen masuuliyiinta amniga ee deegaanka xasuuqani ka dhacay oo ku yaalla bariga dalka Hindiya, lammaanahan arooskoodu xasuuqa isu-beddelay ayaa labada qoys ee ay ka soo jeedaan ay ka horyimaadeen jacaylkooda si cadna u diideen inay is guursadaan. Lammaanahan ayaa go’aansaday in ay iska dhego mariyaan diidmada qoysaskooda, waxa aanay isula baxsadeen deegaan kale si ay isugu guursadaan.

Markii lammaanahani dharaaro la la’aa ee ay labada qoysba garwaaqsadeen xaqiiqada ah in ay is raaceen isna guursanayaan, ayaa ay qolo kastaa gaarkeeda ugu qanacday in aanay jirin sabab colaaddii labada qoys soo dhex gashay ay u sii jirto, waxa aanay u ballameen kulan ay kaga wada hadlayaan sidi ixaaladda ay uga gudbi lahaayeen, una gaadhi lahaayeen xal ay ku noqon karaan xidid aanay colaadi dhex oolin, laakiin kulannkii xalka lagu raadinayey ayaa isu beddelay gole uu dhiig badan oo labadii dhinac ahi ku daatay. Gogosha kulankan waxa fidiyey qoyska ay inantu ka dhalatay iyaga oo ku andacoonayey inay doonayaan in nabad ay ku xididaan qoyskan inanka wixii khilaaf ahna la xalliyo, laakiin isla markii wada hadalku bilowdayba afkii ayaa ka qaldamay oo hadallo taag-taagan iyo is eedayn ayaa ay bilaabeen, waqti yar kadibna waxaa bilowday dagaal sida ay la sheegay, ay gacantiisa ku horreeyeen qoyska uu inanku ka dhashay. Qubaal Barazad oo ah taliyaha bilayska ee degmadan shilku ka dhacay oo ka tirsan gobolka Bihar ayaa yidhi, "Qoyska inanta ayaa qoyska inanka ka codsaday in ay isu yimaaddaan iyaga oo ku marmarsooday in ay doonayaan xallinta mashaakilka ka dhexeeya labada qoys, markii la isu yimi halkii wada hadalku ka bilaaban lahaa, waxa ay isla markiiba weerar ku bilaabeen qoyskii martida u ahaa oo ay ka dileen siddeed qof oo ka mid ah" waxa uu booliiska deegaankani sheegay in xabsiga loo taxaabay 15 qof oo ka mid ah qoyskii inanta laguna eedeeyey demb ah dil, laakiin ay illaa hadda jiraan kuwo baxsaday oo la raadinayaa. Waxa uu warku intaas ku daray in qoyska inantu ka dhalatay 8-deedii qof ee ay ka dileen qoyska inanka ay ku rideen webi rogmanaya. Booliiska ayaa helay maydka afar ka mid ah siddeeda qof oo madaxa laga jaray, waxa kale oo la sheegay in maydadka kale la arkay iyaga oo xubin xubin loo jar jaray.

Qaar ka mid ah qawmiyadaha ku dhaqan dalka Hindiya ayaa jacayl u yaqaannaa xaaraan, waxa aanay aaminsan yihiin in sida keliya ee ay labada qof isku guursan karaan ay tahay in labada waalid ay isla doonaan, ama midkood inta uu kan kale doorto qoyskiisa uu soo weydiisto, waxa aanay aaminsan yihiin in jacaylku uu markaas uun iman karo, laakiin ceeb ay tahay in wiilka ama gabadhu ku doodo in uu jacayl u galay kan kale. Waxa aanay ku tilmaamaan jacayl aan barako lahayn maadaama oo aanay qoyskii labada dhan raalli ka ahayn.