Gabadha Mansabka Sare Haysa Cadawgeeda Ugu Weyni Waa Gabadha Kale Ee Ay Isku Shaqada Yihiin

0
991

Hargeysa (Geeska)- Maxaa ka jira in cadawga koowaad ee gabadhi iska eegtaa uu yahay gabadh kale uun? Ma dhabbaa, in haddii gabadha madax looga dhigo gabadh kale ay shaqadaasi ragaadayso, iyo in cidda ay gabadhu sida ugu daacadsan ee ugu midho dhalsan ula shaqaysaa ay tahay ninka? Sideedabaa, marka si daacad ah loo qiimeeyo, dareenka Xaawi ma yahay mid ogol in walaasheeda kale kaga horumarto wanaagga iyo darajada, mise waqti iyo dadaalba waxa ay gelisaa sidii ay sallaanka uga ridi lahayd?

Su'aalahani ma'aha kuwo maanta yimi ama kama turjumayaan isweydiin qawmiyad ama bulsho u gaar ah. Waxa qarniiyo badan bulsho kasta dhexdeeda ka jiray doodda ah bal heerka uu gaadho in gabadhi gabadh kale u hurto wax ay iyaduba geydo balse ay ka qatantahay? Dad badan ayaa weligoodba aaminsanaa in gabadhu cadawgeeda koowaad u taqaanno gabadha kale, gaar ahaan marka shaqo ama dano ay ka dhexeeyaan ay mar kasta ka feejigan tahay gabadha kale oo ay aaminsan tahay in ay danteedaa ama mansabkeedaa ku tahay khatar ka badan ta’ uu ninku ku yahay. Haddaba khubaro cilmi nafsiga iyo cilmiga bulshada ku xeel dheer ayaa sheegay in gabadhu aanay dabeecad ahaan ninka la tartamin ama isku deyin in ay ka riixato mansab, sidoo kalana aanu ninku u heellanayn in uu mansabka ka riixdo ama sallaanka ka tuuro gabadh ka mudan, waxa ay khubaradu u soo jeediyeen dumarka manaasibta haya ama ka dhex muuqda fagaaraha hoggaaminta iyo maamulka inay dareenkooda ugu badan u jeediyaan dumarka kale oo ah cadawga keliya ee laga yaabo in mansabkeedan ay ku soo socoto. Dr. Daariq Cukaasha oo ah macalin cilmi nafsiga ka dhiga Jaamacadda Caynu Shamis ee dalka Masar ayaa u sheegay jariiradda Al-ahraam in maamulka ay ku wada jiraan rag iyo dumar ama rag keliyi mar walba shaqadiisa iyo iskaashigiisu ka fudud yahay golaha maamul ee ay ku wada jiraan dumarka keliyi. Waxa uu khabiirku intan ku sababeeyey dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin:

1. Doorka nololeed ee ay gabadha shaqaysaa kaga jirto hawlaha adduunku mar walba wuu ka badan yahay ka ninka, waa shaqaale, waa xaas isla markaana waa hooyo waajibaad culus oo dhinaca ubadka ahi saaran yihiin, sidaa awgeed waxa mar walba suuro gal ah in cidda ka hinaasaysa ama ka xumaanaysa horumarka muuqda ee ay samaysaa ay tahay gabadha dhiggeeda ah ee iyada oo ay isku duruufo yihiin gaadhi kari weyday mansabkan ay gaadhay.

2. Muddo dheer waxa caado ahayd in nin lagu arko manaasibta sare iyo masraxa maamulka, dumarkuna dhowaan ayey ku soo biireen fagaarayaasha shaqada iyo maamulka, sidaa awgeed marka ay gabadhi maamul noqoto cidda ugu horreysa ee ku soo dhiiranaysa damacuna ka gelayo inay gaadho mansabkaasi waa dumarka.

3. Daraasado badan oo la sameeyey kadib waxa xaqiiqo noqday in gabadha maamulka ah ama mansabka muhiimka ah haysaa cadawga ugu badan ee ay leedahay ay yihiin dumarka kale ee shaqada iyo danta la wadaaga.