Maraykanka Oo Qaar Ka Mid Ah Diblomaasiyiintiisa Kala Baxay Kenya

0
602

Picture1Hargeysa (Geeska) –Dawladda Mareykanka ayaa kala bixi doonta  Kenya qaar ka mid ah Diblamaasiyiinta ka jooga, kadib markii 65-qof lagu dilay maalmihii ugu dambeeyey, dalka Kenya, waxaanu Mareykanku ka baqay in lagu laayo oo weeraro lala beegsado Muwaadiintiisa.

Warar uu Maraykanku baahiyay  ayaa sidoo kale sheegaya in aan la isku halayn karin amaanka dalka Kenya, War ka soo baxay Dawladda Mareykanka oo lagu shaaciyey Shabakadooda ayaa u dhignaa sidan “Iyada oo loo eegayo Weerarkii Argagaxiso ee ka dhacay Kenya 15-june, waxaanu u digaynaa Wufuuda Mareykanka ee halkaas jooga, waxaana dadkayga uga digaynaa inay u safraan Kenya”.

Dhinaca kale Dawladda Mareykanka ayaa walaac xoogan iyo digniin jooga ah ka muujisay Weerarada ka dhacay Dalka Kenya.

Dhinaca kale Wadamada   Britain, Faransiiska iyo Australia ayaa u digay Muwaadiintooda iyaga oo uga digay inay u safraan dalka Kenya, si aan loola beegsan weeraro.

Weeraradan ka dhacaya Dalka Kenya ee sababay in lagu laayo dad badan  ayaa waxa masuuliyadeeda sheegatay Ururka Alshabaab ee Dalka Somalia, balse Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa isagu dhankiisa ka sheegay in weeraradan qorsheysan ee dalkiisa ka socda ay la xidhiidhaan arimo siyaasadeed, balse Ururka Alshaab ee sheegtay Masuuliyada Weeraradan ayaa marar badan fariin iyo digniin u  diray Dawladda Dalka Kenya, iyaga oo ugu baaqay in Ciidamadooda kala soo baxaan dalka Somalia, haddii kale ay Weeraro joogta ah ku qaadi doonaan Dalka Kenya, taas oo ay kaga rumeeyeen. Geesta kale wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa mar kale uga digtey muwaadiniinteeda in ay u safraan dalka Kenya, iyadoo tixraaceysa weerarkii dhawaan ka dhacay magaalda Mpeketoni ee Jasiirada Lamu.
Dowladda Mareykanka waxa ay uga digtey muwaadiniinteeda in ay tagaan dhamaanba xeebaha dalka Kenya, gaar ahaana Mombasa, Kwale, Kilifi, Lamu,  iyo qeyb  ahaan  xeebaha gobolka Tana River.

Isbedeladii xaga amaanka ee dhawaan ka dhacay Kenya, ayaa waxa ay wasaaradu sheegtey in qaar ka mida shaqaaleheeda ay usoo rareyso  wadamo kale, balse waxa ay xustey in ay safaaradeedu sii wadi doonto shaqadeedii caadiga aheyd.
Wasaaradu waxa ay xustey in dowlada Mareykanka ay wali heleyso xogo culus oo ku saabsan weerarro argagaixso oo lala eegto danaha Mareykanka iyo reer galbeedka ee Kenya, oo ay ku jirto magaalada Nairobi iyo hareereheeda. Wasaarada arrimaha dibada Mareykanka waxa ay ka digeysaa weeraro is miidaamin ah, qaraxyo, afduub, iyo weeraro loo geysto duulimaadyada rayidka iyo maraakiibta badaha Kenya iyo xeebaha ku hareereysan.