Qabiil Caado U Leh In Marka Uu Qof Ka Dhinto Faraha Laga Jaro Dumarka Qaraabada La Ah Ruuxa Geeriyooday

0
781

Picture7 Port Moresby (Geeska)- Sida aynu garan karno bulshooyinka caalamku sida ay ugu kala duwan yihiin afka, midabka iyo caqiidada ayaa ay ugu kala duwan yihiin caadooyinka. Qormadeennan maanta waxa aynu ku soo qaadanaynaa hal caado oo si yaab leh u muujinaysa sida ay shucuubta dunidu dhaqan ahaan ugu kala duwan yihiin cabiridda murugada geerida, caadadan oo ah mid axmaqnimo badani ka muuqato, isla markaana caddaynaysa sida dhaqannada dunida ka jira qaarkood u takooraan ama qallafsani gaar ah ugula macaamilaan haweenka.

Qabiilka Dani oo dega daafaha togga caanka ah ee Baliem oo ku yaalla galbeedka dalka Papua New Guinea ayaa caado u leh in marka uu qof qoyska ka mid ah oo nin ahi dhinto, ay dumarka aadka ugu dhow qaraabo ahaan iska jaraan mid ka mid ah farahaha si ay ugu baroor diiqaan geerida, una muujiyaan murugadooda. Dumarkan ayaa faraha iskaga jara munaasabad tacsiyadeed ay isugu yimaaddaan qaraabada qofka dhintay. Arrinta argagaxa badan lihi waxa ay tahay in dhaqankan oo dowladdu dhowaan mamnuucday laakiin marar badan la fuliyaa uu ku gaar yahay dhammaan dumarka waayeel, dhalinyaro iyo carruurba leh ee qaraabada la’ ah ruuxa dhintay.

Dhaqankan foosha xun ayaa asalkiisa hore laga keenay diin dhaqan ah oo ay dadkaasi lahaan jireen muddo dheer ka hor. Dadka qabiilka Dani waxa ay aaminsan yihiin in diintoodu u sheegayso in haddii ruuxa dhintay uu ahaa qof awood maamul leh ama ka mid ah hoggaamiyeyaasha qabiilka, marka uu dhinto kadib ay ruuxdiisa oo leh isla awooddii uu isagu lahaa markii uu noolaa ay ku dhex jirto dadka qabiilka ee hadhay, sidaa awgeed loo baahan yahay in si loo raalli geliyo loogana dhex saaro ruuxda dadkan weli nool ay qasab tahay in dumarka qofka dhintay qaraabada la’ ahi ay faraha iska jaraan.

Picture8Cilmi-baadhayaal iyo sawir-qaadayaal marar kala duwan booqday deegaanka qabiilka Dani ayaa sheegay in sababta kale ee dumarka loogu kallifay in ay faraha iska jaraan ay tahay, diinta uu qabiilkani aaminsan yahay oo u sheegaysa in, “Xanuunka jidheed ee qofkan nool soo gaadhayaa uu astaan u noqonayo murugada iyo dhibta uu qofkani u mutaystay dhimashada qofkan qoyska ka midka ahaa” Dumarka Qabiilka Dani dhibta dhaqankan ay ka dhaxleen intaas kuma koobna ee waxaa sidoo kale laga rabaa in ay wejiga ku dadaan ciid iyo dhoobo, si ay u cabbiraan murugada ay qabaan. Sida ka muuqata sawirrada dumarka qabiilka Dani laga soo qaadayna, badankooda faro ayaa ka maqan gacmahooda, haddii aanay dhammaan faruhuba ka maqnayn. Qaabka ay gabadhu farta isaga jaraysaa waa in ay xadhig adag ku xidho farta oo muddo saacad ah lagu daayo, kadibna fartu halka ay ka calaamadsantay laga jaro iyada oo la adeegsanayo faash afaysan. Xubinta farta laga jaray meel ayaa la dhigayaa oo ay oollaysaa muddo illaa ay qallasho, kadib inta la gubo ayaa dambaskeeda meel gaar ah lagu kaydinayaa. Far jariddani waa ay soo noqnoqotaa mar kasta oo uu qof ka dhinto qaraabada, hadba tirada faraha ka maqan gacanta gabadha ayaana lagu gartaa inta qof ee ka dhintay, illaa ay faruhu dhammaadaan.

Papua New Guinea oo ku yaalla qaaradda Aasiya oo aan dhul ahaan aad u weynayn ayaa haddana ah dunida oo dhan dalka ugu horreeya dhinaca kala duwanaanshiyaha dhaqanka ee muwaadiniintiisa. Xogo dhowaan la helay ayaa xaqiijinaya in dalkaas oo dadkiisu ay Toddoba Milyan iyo Lixdan Kun oo ruux oo keliya, haddana lagaga hadlo Siddeed boqol iyo Afartan iyo Siddeed (848) luuqadood oo kala duwan, laakiin 12 ka mid ah luuqadahaas waxaa ku hadla dhowr qof ama waaba ay dabar go’een dhammaan dadkii ku hadli jiray. Dadka dalkan oo hiddaha iyo dhaqanka guunka ahi awood ku leeyahay ayaa la sheegay in boqolkiiba 18 keliya oo ka mid ahi ay yihiin reer magaal, inta kalana reer baadi ku dhaqan kaymaha iyo dhulka baadiyaha ah iyaga oo ku nool noloshii bilowga aadamaha, dhar laguma oga, cuntadooda ugu badanna waxa ay ku helaan ugaadhsiga.