Cilmi Alle: Tuule Dadka Ku Nooli Maalintii Indhoole Yihiin Habeenkiina Si Fiican Wax U Arkaan

0
627

Picture10Sanca (Geeska)- Tuule aad u yar oo 50 Kilomitir dhinaca woqooyi ka xiga magaalada Al-Xawdhah ee xarunta gobolka Laxaj ayaa la xaqiijiyey in dadka deggeni ay maalintii indhoole yihiin habeenkiina si fiican wax u arki karaan. (Subxaanallaah) Tuulahan yar ee Al-Khashab oo ku dhex yaalla dhul buuraley ah ayaa guryaha ka dhisan lagu qiyaasay 20 dergadood oo ay ku nool yihiin dad aan ka badnayn 100 qof oo ah faqiir ay noloshoodu aad u hoosayso. Waxa aanay tuulahan ku dhaqnaayeen qiyaas 40 sano ah oo aanay dhanna uga bixin.

Carruurta tuulaha Al-Khashab marka ay dhowr bilood jiraan ayaa waxaa ku dhaca xaalad caafimaad oo aan la garanayn, oo ah in caad daruurta u eeg oo ku bilowda bar yari uu isha si tartiib ah ugu faafo illaa uu wada daboolo, kana hor istaago in maalintii aanu ilmuhu waxba arkin, laakiin habeenkii si fiican u arko, sidaas ayaanu ku weynaadaa kuna gaboobaa. Sida uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay talefishanka Al-Jazeera, dadka deegaankani waxa ay wariye ka tirsan talefishanka u sheegeen in xaaladdani ay muddo dhexdaa ahayd ku bilaabatay tuulaha, sidaa awgeed dadkii waaweynaa ee muddadaa ay bilaabatay ka horreeyey ay ka bad-qabaan. Waxaa iyaguna jira warar sheegaya in xaaladdan oo kale lagu arkay meelo ka baxsan tuulahan oo isla dalka Yemen ah. Dhakhaatiir arrintan wax laga weydiiyey ayaa ku adkaystay in ay tahay arrin hidde ku timid oo la xidhiidha shabakadda isha u fududaysa in iftiinka ay uga faa’idaysato aragtida. Waxa ay dhakhaatiirtu arrintan u cuskadeen baadhitaanno ay sameeyeen oo caddeeyey in dadka xaaladdan qabaa ay dhammaantood xidhiidh qaraabonimo leeyihiin, haba fogaado ee. Waxa kale oo ay dhakhaatirtu sheegeen in xaaladdan aan waxba laga qaban Karin.