Gabadha Aan Aqoonta Lahayn Ee Da’da Ahi Waa Ay Ka Xusuus Fiican Tahay Ninka Aqoonta Leh Ee Da’deeda Ah

0
750

Amsterdam (Geeska)- Sida ay muujisay daraasad cusub oo dhowaan soo baxday muddo dheer ayaa dumarku iyaga oo da’ ah ay maskaxdoodu caafimaad qabtaa si habsami ahna u gudataa hawlaheeda shaqo oo xusuustu ay ka mid tahay. Cilmi-baadhistan oo lagu sameeyey jaamacad ku taalla dalka Holland ayaa baadhayey adkaysiga ay dumarku u leeyihiin da’d, tijaabooyin badan kadibna waxaa khubarada daraasadda samaysay u soo baxday in dumarku ay ragga uga ugu adkaysi badan yihiin da’da.

Xeel-dheerayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay ogaadeen in dumarka da’doodu weyn tahay xitaa kuwa gaadhay 85 jirku ay ka xasuus badan yihiin ragga, haddii aanay jirin xanuunno iyo msuhkilado caafimaad oo dibadda kaga yimidna waxaa dhacda in maskaxda ruuxa dumarka ah ee da’da ahi ay si fudud dib u soo celin karto xusuusta dhacdooyinka soo maray muddo dheer ka hor. Arrinta xiisaha gaarka ah leh ee ku jirtay natiijada daraasaddanina waxa ay tahay in xitaa gabadha aan aqoonta lahayni marka ay gabowdo ay ka xasuus iyo garaad fiican yihiin ragga aqoonta leh ee la da’da ah iyaga oo weliba ay sarraynta caafimaad ee maskaxdoodu inta ay ta ninka da’deeda ah ee aqoonta leh ka fiican tahay gaadho illaa boqolkiiba toddobaatan (70%). Inkasta oo daraasaddani ay sheegtay in dumarka laftoodu ay caadi ahaan kala duwan yihiin xagga xasuusta, tusaale ahaan dumarka Carmalka ah, kuwa shabbadaha ah iyo dumarka la qabaa in xusuustooda iyo guud ahaanba hab-sami u shaqaynta maskaxdoodu kala duwan tahay, haddana waxa ay khubarada cilmi baadhista samaysay ogaadeen in guud ahaan marka loo qiimeeyo ay maskaxda dumarku ka cimri dheertahay ta ragga.

Cilmi baadhis kale oo isla arrintan laga sameeyay ayaa iyaduna muujisay in xasuusta dumarka da’da ahi ay noqotay Boqolkiiba Kow iyo Afartan (41%) halka ay ragga ka noqotay Boqolkiiba Sagaal iyo Labaatan (29%) keliya, waxa aanay khubaradu arrintan ku sababeeyeen in caadi ahaan marka horeba ay raggu inta badan ka shaqeeyaan maskaxda taasina ay ku keenta daal badan oo maskaxda ah iyo in aakhirka ay daciifto xusuusteeda iyo guud ahaanba shaqadeedu.