Ogxaanta Duqsiga Oo Noqotay Dawo Tayo Leh Oo Dhaqso U Bogsiisa Nabarrada Jidhka Ee Khatarta Ah

0
700

Ankara (Geeska)- Xarunta ku-daweynta ogxaanta duqsiga oo ka tirsan cisbitaalka Jarraax Baasha ee ay leedahay kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Istanbul dalka Turkiga ayaa bilaabay hab caafimaadka casriga ah ku cusub oo ah in ogxaanta duqsiga loo adeegsado dawo ahaan. Farsamadan daweyneed oo yaab badan ku reebta ruux kasta oo arka gaar ahaan marka uu la eego horumarka casriga ah ee sida xawliga ku socota uu dalka Turkigu muddoyinkii u dambeeyey ka samaynayey aqoonta caafimaadka.

Taariikhda dawadan: In ogxaanta duqsiga loo adeegsado dawo ahaan waxa ay dunida ka jirtay tan iyo sannadkii 1930kii, gaar ahaan intii ka dambaysay dagaalkii Koowaad ee adduunka oo hawlwadeennadii caafimaadka ee daweynayey dhaawacyada tirada badan ee dagaalku ay ogaadeen in nabarrada inta uu duqsigu ku istaago si uu u fadho, kadibna aakhirka ku dhalo ogxaantu ay ka hor bogsan ogyihiin kuwa laga ilaaliyo duqsiga. Si kastaba ha ahaato ee fikirkaas lagama midho dhalin, sii hadal qaad dambana ma’ uu yeelan muddo dheer, illaa laga soo gaadhay sannadkii 2007da oo dad badan ay yaab ku noqotay markii cisbitaalkani uu furay qayb soo saaraysa ogxaanta duqsiga oo inta wixii cudur-sida khatar ah ee ku jira uu shaybaadh casri ahi ka nadiifiyo kadibna lagu daweynayo nabarrada xumaada ee macaanku sababo oo marar badan dartood xubnaha qaar loo jaro iyo weliba cudurrada kale ee nabarrada keena oo uu ka mid yahay cudurka afka caafimaadka lagu yidhaahdo Leishmaniasis oo Soomaalida qaarkeed u garan ogyihiin Barariye. Cudurkani waxa uu keenaa barar isu beddela nabar weyn oo ku samaysma meel jidhka ka mid ah (Lugaha, Gacmaha, debnaha, Dhuunta iwm) kadibna waa uu fidaa illaa uu qofka galaafto, in kasta oo meelo badan oo dunida ah uu ka jirana dalalka aad loogu arko waxaa ka mid ah; Bangladesh, Brazil, Hindiya, iyo Suudaan.

Xaruntan cusub ee Ku-daweynta ogxaanta duqsiga oo ay maalgelisay xukuumadda Turkiga oo soo marisay Golaha Qaranka ee cilmibaadhista sayniska iyo tiknoolaiyadda Turkiga waxa kale oo ka mid ah qayb loogu talogalay in ardayda lagu baro culuumta dawo-dhaqameedka. Dr. Ardaal oo ka tirsan xarunta ayaa mar uu u waramay Al-Jazeera oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay waxa uu sheegay in bukaanka xaruntan dawada u yimaaddaa ay isugu jiraan muwaadiniin iyo kuwa ajaanib ah, isla markaana ay hadda wadaan qorshe ay doonayaan in fikirkan ah isku-daweynta ogxaanta duqsiga ay ku fidiyaan dalalka Carabta oo ay doonayaan in ay xarumo ka furan. Dr. Ardaal oo ka waramaya waxtarka dawadan ayaa tusaale u soo qaatay cudurkan Leishmaniasis oo uu sheegay in dawadiisa caadiga ahi ay qaadato inta u dhaxaysa 20 illaa 30 maalmood, weliba marka laga bogsadana uu ka tago raadad iyo boogo aan tegin, laakiin marka ogxaanta duqsiga lagu daweeyo uu ku bogsado toddobaad gudihii nabarrana aanu ka tegin.

Dr. Muctas Muxtasib oo isna ka tirsan xaruntan caafimaad ayaa sheegay in ogxaanta duqsiga marka nabarka lagu beero cunto ka dhiganayso unugyada nabarka ee dhintay, isla markaana aanu taaban unugyada nool, sidoo kale duqsigani waa uu si daaya Enzymes awood u leh in ay dib u kabana unugyada dhaawacmay, dabiicina ku soo celiyaan wareegga dhiigga ee oo gaadhaya nabarka, taas oo dedejisa bogsashada.

Xaruntan waxaa si aad ah u booqda bukaanka dadka qaba nabarrada ay adag tahay in la daweeyo sida kuwa ka dhasha macaanka iyo cudurrada dhiigga ku dhaca.