Mujaahid Boobe Oo Si Adag Uga Hadley Go’aamadii Ka Soo Baxay IGAD

0
779

Picture1Hargeysa(Geeska):-Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Muj:Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa si adag uga hadley go’aamadii ka soo baxay shirkii urur gobaleedka IGAD oo dhawaan ugu soo gabo gaboobay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somaliya. Waxaana uu tibaaxay in qodob ka mid ah go’aamadaasi ay ahaayeen kuwo si toos ah u qeexaya taageerida ay siinayaan midnimada iyo sinaanshaha dhuleed ee dalka Somaliya.

Md:Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa, waxaana uu tibaaxay in hadalada noocan oo kale ahi ay yihiin kuwo aan lahayn wax ka soo qaad, balse ay yihiin shaambad marka ay shirarka noocan oo kale ahi ay dhamaadaan xaga danbe laga raaciyo.

 "10-kii Janaury, 2015, waxaa magaalada Muqdisho lagu soo afmeeray shirkii saddexaad ee aan caadiga ahayn ee wasiirada arrimaha dibada ee dalalka IGAD, war-murtiyeedkii laga soo saaray shirkaas ayaa qodobkiisii Koowaad lagu sheegay, dalalka IGAD mar kale qirayaan, xaqdhawrka ay u hayaan, sinaanshaha dhuleed, madaxbanaanida Siyaasadeed iyo midnimada Somaliya, shacbiga reer Somaliland, waxaa aanu war-saxaafadeedkan aanu ku ogeysiinaynaa in aan weedhani wax cusub oo laga naxo aanay inagu ahayn, waa shaambad iska samaysan oo shirarka noocan ahi marka ay dhamaadaan go'aamada ka soo baxa la raaciyo, weedhani wax kale kama turjumayso oo aan ahayn xaqiiqadii baryaha qaar ka jirtay ee Jamhuuriyadii Soomaaliyeed ee mideysnayd. Maanta caad inagama saarna in ay beesha caalamku ay aqoonsi qaanuuniya ama dujuur siisay dawlada faderaalka ah ee Somaliya, xaqiiqada waxaa barbar taala oo dhab ah in ay Somaliland haysato aqoonsi noocan loo yaqaano difaato. ama runta u dhaw iyo taageerada dhabta ah ee beesha caalamka oo ay ku kas batay sidii ay ku xaqiijisay dhawr iyo labaatankii sano ee u danbeeyey. Soomaaliya maaha maanta tii baryaha qaar jirtey, waxaa abuurmay waayo cusub oo la yimi xaalado cusub oo aan indhaha laga qarsan karin”Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, waxaa uu sida oo kale uu xukuumada Siilaanyo ku eedeeyey in ay ka gaabisay isla mar ahaantaana aanay waajibkeedii ka marin ka midho dhalinta in ay Somaliland aqoonsi u raadiso, waxaana uu carabka ku dhuftey in iska daa in ay ictiraaf raadi sa’ee ay xafiisyadii diblomaasiyadeed ee dibada uga adeegi jirey Somaliland ay iridaha u soo laabtay, waxaana uu xusay in marka ay cid uxulanayaan maamula xafiisyadaas aan loo xulan dad wax ka yaqaana qaabka ay bulshooyinka ilbaxa ah ee xadaaradaha horumaray leh aan waxba ka garanayn la dhaqankooda.

“Marxalada maanta aynu maraynaa maaha tii dadka loogu been sheegi lahaa. Xukuumada maanta dalka ka talisa ee Soomaaliland waa in ay dadka u sheegta oo aanay ka qarinin xaqiiqadu sida ay u jirto, waa in loo waajahaa. xukuumadu Somaliland waajibkeedii kama ay marin ka midho dhalinta qadiyada aqoonsiga u raadinta Somaliland, xafiisyadii diblomaasiyadeed ee dibadaha u aga adeegi jirey Somaliland iridaha ayaa intoodii badneyd loo soo laabay, waxaa loo diraa dad aan aqoon u lahayn ilbaxnimo ka dheer tahay oo ka aradan xadaaradaha bani-aadamku ay ku macaamilo, oo laguna xulay qaab aad u liita oo eex iyo qaraabo kiil ah, waxaa xafiisyadii dibada ragaadiyey miisaaniyad la'aan iyo ka warheyn la'aan, xataa kuwii Ajaniga ahaa ee qadiyada Somaliland taageeri jirey ayaa maanta ka dhaqaaqay"Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Muj:Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa ugu danbeyntii waxaa kale oo uu ka hadley wada-hadalada muddooyinkii danbe u socday Somaliland iyo Somaliya, waxaana uu ku tilmaamay in wada-hadaladaasi ay yihiin kuwo ay xukuumada Siilaanyo la’ambatay, waxa kale oo uu sheegay in wada-hadaladaasi ay yihiin kuwa marka la tagaayo meesha ay ka dhacayaan kaliya loo tamashleyn tago, iyada oo sida oo kalena uu tibaaxay in aan loo xulan loona ka xaysan aqoonyahano, iyo sida oo kale dad waayo arragnimo xeel dhee u leh arrimaha noocan oo kale ah.

"Wadahalada Somaliland iyo Somaliya u socdaa waxaa ay ku bilaabmeen shirkii London ee Febuary 2012-kii, go'aamadii ka soo baxayna waxaa ay ahaayeen qaar togan oo u hiilinaaya qadiyada madaxbanaanida Somaliland, ayaan darradu se waxaa ay ku jirtaa in ay xukuumadu la'ambatay wadahadaladaas, khadkii lagu saxeexay shirkii London ee Febuary 2012-kii oo aan engagin ayuu madaxweynaheenu Sheekh Shariif kula kulmay Dubai, intii ka danbeysayna shirarkaa waxaa loola kacay xagaa iyo Turkiga. Shirarkaa wada-hadalada lagu sheegayo inta badan tamashle iyo dalxiis ayaa loo tagaa lamana adeegsado aqoonyahano iyo xeel dheerayaal ka midho dhalin kara oo waayo aragnimo iyo aqoonba u leh, illaa maalintada aynu joogno xukuumadu wada-hadaladaas umalaha tusmooyin siyaasadeed oo lagu hago, wax warbixino ah ama heshiisyo ah oo ka soo baxayna ma jiraan, xaalku ma dhaaf siisna waa la tagay waa laga soo noqday iyo meel heblaayo ayaa lagu balamay, shacbiga Somaliland waxaan u soo jeedinaynaa oo aanu ku baraarujinaynaa in ay u soo jeedaan oo ay u feejignaadaan qadiyada, madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland oo dhiig iyo dheecaanba loo soo huray"Ayuu yidhi xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani.