Gabadh Yar Oo Ku Guulaysatay In Ay Khiyaamayso Shabakadda TikTok, Si Ay Dunida U Tusto Dhibta Ay Dawladda Shiinuhu Ku Haysto Muslimiinta Dalkaas

0
974

Gabadh yar oo muslim ah ayaa ku guulaysatay in ay khiyaamayso nidaamka amniga ee shabakadda xidhiidhka bulshada ee TikTok, kaddib markii ay ku gudbisay farriin ah weerar ay ku qaadday habdhaqannada dawladda Shiinuhu kula kacayso muslimiinta dalkaas, iyo xeryaha xabsiyada ah ee ay ku ururisay.

Fayruus Casiis oo ah 17 sano jir asalkeedu ka soo jeedo dalka Iiraan ayaa shabakadda caanka ah ee TikTok, ku faafisay muuqaal ay ku sharraxayso sida loo isticmaalo timaha sunneyaasha ee samayska ah. Laakiin iyada oo wadda sharraxaaddan ayaa ay mar keliya sheekadii u beddeshay ka hadalka dhibaatada ay daweladda Shiinuhu ku hayso muslimiinta Igoor. Haddana iyada oo weli sheekada sii wadda ayaa ay mar kale ku noqonaysaa sii faahfaahinta hadalkii ay kaga warramaysay isticmaalka sunneyaasha ay dumarku isku qurxiyaan, taas oo sababtay in ay si buuxda u khiyaamayso shabakaddan oo ay dawladda Shiinuhu xayiraado adag oo dhinaca amniga ah ku hayso.

Fayruus oo ku nool gobalka New Jersey ee dalka Maraykanku, maadaama oo ay ogeyd in muuqaalkeedan ay shabakaddu tirtiri doono waxa ay ka samaysay muuqaallo kala duwan oo ay ku faafisay shabakadaha kale ee xidhiidhka bulshada. Muuqaalkan waxaa shabakadda TikTok ka daawaday dad ka badan 1 milyan iyo 400 oo kun, halka mid keliya oo ka mid ah shabakadaha kalana la dawaaday in ka badan shan milyan oo jeer.

Sidii ay Fayruusba filaysay shabakadda tikTok si dhaqso ah ayaa ay fiidyowgan u tirtiray, sida oo kalana masaxday akoonkeedii. Laakiin dhaleecayn iyo ceebayn weyn ayaa ay kala kulantay guud ahaan bulshada caalamka, taas oo kalliftay in masuuliyiinta ugu sarreeyaa ay ku doodaan in sababta ay filimka u tirtireen aanay siyaasad la xidhiidhin, balse ay ahayd mid ka mid ah muuqaallada ay inantu soo saartay oo ay ku jireen walxo argagaxisada xidhiidh la leh.

Shirkaddu mar kale ayaa ay haddana arrintan ku sababaysay in ay ahayd eedo hore loogu jeediyey inantan oo la xidhiidha in ay meel kaga dhacday siyaasadaha adeegsiga shabakadda TikTok, iyada oo ugu dambayntiina gabadhan yar u dirtay raalligelin.

Dawladda Shiinaha oo tobannaan sano cabudhin iyo cidhib tir qarsoodi ah ku haysay muslimiinta dalkeeda oo loo yaqaanno Igoor, ayaa sannadihii u dambeeyey sii laban laabtay dadaallada ay ku isir sifaynayso dadka muslimika ah. Waxa ay samaysay xeryo waaweyn oo ay xabsi ahaan ugu gurtay malaayiin carruur iyo dumar ku jiraan oo muslimiinta Igoorka ah, iyada oo hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo dawladaha arrintaas ka hadlayna ugu fasiraysa in ay xeryahani yihiin goobo loogu talagalay in dadka shaqada loogu tababaro.

Dawladda Shiinuhu dadka ay ku hayso xeryahan waxa ay ku siisaa casharro iyo duruus ka dhan ah diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda, waxa ay siisaa hilib doofaar iyo cuntooyinka shareecada islaamku u diidayso dadka muslimiinta ah, waxa aanay bartaa afka dalka Shiinaha iyada oo ku qasbaysa in ay illaawaan afka ay asal ahaan ku hadlaan muslimiinta shiinuhu.

Shabakadda caanka ah ee TikTok oo laga leeyahay dalka Shiina tirada dadka isticmaala oo si xawli ah u kordhaysa waxaa hadda isticmaala dad ka badan tahay 1.5 bilyan oo daafaha dunida ku filqan, tiradaas oo 500 oo milyan oo ka mid ahi ay ku soo biirtay sannadkan aan weli dhammaan. Meelaha sida aadka ah looga isticmaalana waxaa ka mid ah Maraykanka iyo qaaradda Aasiya

TikTok oo la aasaasay sannadkii 2012 kii, laakiin dunida ka baxsan Shiinaha loo sii daayey sannadkii 2017 kii, waxa uu ku shaqeeyaa barnaamijyada iOS iyo Android waxaana lagu faafiyaa muuqaallada  gaagaaban.

Shabakadda TikTok waxa ay martaa nidaamka guud ee ay dawladda Shiinuhu faafreebka iyo la socoshada ku samayso shabakadaha internet, gaar ahaan baraha xidhiidhka bulshada.

Fayruus waxa ay ku guulaysatay in nidaamakas adag ee amni ay khiyaamayso, kaddib markii ay hadalkeeda ku bilowday arrin ka baxsan waxyaabaha uu barnaamijka amniga Shiinuhu diidayo, laakiin ay dhex gelisay hadallada ay kaga hadlaysay muslimiinta Igoor. Tallaabada ay qaadayna waxa ay abuurtay hadal hayn caalamiya iyo in dadka adduunka daafihiisaku nooli ay sameeyaan muuqaallo u eeg ka ay samaysay, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan iyada iyo muslimiinta ay dawladda Shiinuhu dhibaatada ku hayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here