Qaab Dhismeedka Doonidii Nebi Nuux (CS) Oo Sawir Ahaan Lagu Muujiyey

0
975

John Larson oo ku xeeldheer cilmiga aataarta ayaa mala-awaalay muuqaal uu sheegay in uu yahay qaab samayskii doonnidii uu Nebi Nuux gacantiisa ku sameeyey ee Alle ku badbaadiyey tolkii intii xaqa raacday.

Sannadkii 1959 kii ayaa degmo lagu magacaabo Dogo Baysiid, oo ku taalla bariga Turkiga waxaa laga helay ataar muujinaysa in ay ku aasantahay doon ay xeeldheereyaashu u aqoonsadeen in ay tahay hadhaaga doonidaas nebi Nuux. Tan iyo waqtigaas waxaa baadhis iyo dhammaystirka xogta doontaas waday xeeldheereyaal ka socday jaamacadaha waaweyn iyo xarumaha cilmibaadhisaha ee dalalka Turkiga, Maraykanka, Sweden iyo dalal kale oo Yurub ah.

Xeeldheereyaasha baadhista ku sameeyey doonida ayaa isu geynta hadhaaga iyo malo awaalka muuqaalka ay yeelan karto waxa ay ka sameeyeen sawir ay la tahay in uu yahay qaabkii ay u ekeyd doonidu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here