Gabadh Yar Oo Habeenkii Qolkeeda, Kelideed Qur’aan Ku Akhrisan Jirtay Iyo Mucjisada La Arkay Markii Ay Dhimatay

0
700

Hargeysa (Geeska)- Qormadan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa qiso cibiro iyo wax-ku-qaadasho mudan oo ka dhacday dal carbeed oo aan magaciisa la xusin. Waxaa jirtay gabadh da’ yar oo barata takhasus diini ah. Inantan yar oo aad u cod macaanayd marka ay qolkeeda gaarka ah tagto, ka hor inta aanay seexan waxa ay akhrisan jirtay Qur’aanka Kariimka ah oo ay aad u taqaannay.

Inanta yar hooyadeed ayaa habeen kasta si dhuumasho ah ku dhegaysan jirtay inanteedan iyo sida aadka u fiican ee ay Qur’aanka Kariimka ah u akhrido. Muddo kadib ayaa ay inantiiyaryd bukootay, dhowr maalmood oo ay dhakhtarka ku sakaraad ahayd kadibna tii Allaah ayaa u timi oo waa ay dhimatay. Markii digtoorkii gacanta ku hayay xaaladda inantu uu qoyskii u sheegay geerideeda aad ayaa ay uga naxeen, sida caadiga ahna waxa ugu naxdin badnayd inanta yar hooyadeed.

Maalintii u horraysay tacsida inanta yar oo ahayd maalin dhererkeedu uu hooyadeed ula dhigmo sannad murugo ah ayaa markii ay dhamaatay, dadkii tacsida yimidna ay kala tageen, hooyadii oo qalbiga ka ilmaynaysa ayaa u luudday qolkii ay deggenayd inanteedani.

Markii ay islaantii ay ku soo dhowaatay Albaabkii qolka ayaa waxa ay maqashay cod u eeg oohin, qolkan cidlada ah oohinta ka baxaysaa waxa ay ahayd cod hoose oo aad mooddo dad badan oo hoos u reemaya. Hooyadii waa ay argagaxday waxa aanay ka baqatay in ay gasho qolkan cidlada ay ku hubto ee haddana ay oohintu ka baxayso, dib ayaanay isaga noqotay.

Hooyadii oo aad u yaaban ayaa waaberigii dadkii guriga joogay uga warrantay mucjisadii ay xalay aragtay, laakiin markii la soo eegay qolkii waxba lagama helin, dadka qaarna waxa uun ay  u arkeen hooyo murugadii dhimashada inanteeda la hadraysa. Isla maalintii labaad ayaa ay hooyadii saacaddii oo kale maqashay oohintii ka baxaysay qolka ay deggenayd inantii dhimatay, markan waxa ay go’aansatay in ay u tagto nin sheekh ah, balse si ay arrintan talo uga weydiiso. Sheekan oo aad ugu wanaagsanaa cilmi diinta Islaamka, markii ay gabadhii uga warantay wixii ay aragtay labada habeen ee isku xiga, isku waqtiga keliya, ayaa uu Sheekii aad ula yaabay arrintii, waxa aanu ka dalbaday, “Waxa aan rabaa in aan kuu raaco guriga, saacadda ku began waqtigii aad codkan maqashayna aynu tagno qolka. Markaas ayaanay dhacday arrin mucjiso noqotay oo dadkii ka wada ilmaysiisay.

Makii uu Sheekhii galay qolkii ayaa uu maqlay codkii oohinta ahaa ee ay islaantu maqli jirtay. Isaga oo oohin hadalkiisu la googo’ayo ayaanu yidhi, “Allaahu Akbar, Waxa aan filayaa in waxa aan maqlayaa ay tahay oohintii Malaa’igta. Diinteenna Islaamku sida ay inoo sheegtay, marka meel khayr ka socdo Malaa’igta ayaa timaadda si ay uga qayb gasho” kadib waxa uu qoyskii waydiiyay waxa ay inantu qaban jirtay marka ay qolkan joogto, waxa aanay u sheegeen in ay habeenkii kalideed iyada oo ah ay aad u akhrisan jirtay Qur’aanka Kariimka ah. Sheekhii ayaa ugu jawaabay, “Waxa aan filayaa in oohinta baxaysaa ay tahay Malaa’igtii habeen kasta dhegaysan jireen Qur’aanka inantiinu ay akhriyi jirtay, maantana waa kuwaas u ooyaya codkii iyo khayrkii ay dhegaysan jireen, Allaahu Akbar.. Allaahu Akbar…”