Khabiir Ka Tirsan FBI Oo Ina Baraya Habka Ugu Fiican Ee Qofku Uu Isu Jeclaysiin Karo Ruux Ay Hadda Is Barteen

0
674

Picture9Washington (Geeska)- Waa qaybtii labaad  ee taxanihii, Robin Dreeke oo 27 sano ka shaqaynayey dabeecadaha dadka uu kaga jawaabayey su’aalaha ah: Sidee ugu habboon ee uu qofku ku dhisi karaa xidhiidho kalsoonina dadka u gashan karaa? Haddii si cad oo fudud aan u dhigo, su’aashu waa, “Sidee ugu habboon ee aad dadka uga dhigi kartaa kuwo ku jecel?

3. Noqo dhegeysto fiican:

Saxafiga: Dhammaanteen waxa aynu maqalnaa in xirfadaha dhegeysigu ay muhiim yihiin, laakiin haddana qofna ma sharraxo hannaanka ugu fiican ee dhegeysigaas loo samayn karo. Su’aashu waxa ay tahay, waa maxay sirta halkaas ku jirtaa?

Jawaabta Robin Dreeke: Dhegeysiga macnihiisu ma’aha aamuska. Dhegeysigu waa in aad weydo wax aad tidhaahdo. Labadaas arrimoodna waa ay kala duwan yihiin. Haddii aad iska aamusto uun, macnaheedu waa in aad weli ka fikirayso wax aad doonaysay in aad tidhaahdo. Waanad odhanayn uun, balse waxaa jira wax aad maskaxda ku haysaa. Haddii aynu si fudud u nidhaahno aamusku waxa uu ka dhigan yahay adiga oo leh waxa aan u dhegeysanayaa waxa aad leedahay, si aan kaaga helo fursad aan aniguna sheekadayda kuugu sheego.

Waxaa lagaa rabaa in marka aad qofka dhegeysanayso aad u dhegeysato in aad wax ka faa’iddo ama fahamto waxa ay dooddiisu tahay. Haddiiba aad isku aragto in uu kugu soo dhacayo dareen ah in aad qofka ka raadiso fursad aad adiguna sheekadaada ku sheegto. Dareenkaas iska tuur, naftana si toos ah ugu sheegay, in aanay sax ahayn in aad tidhaahdo.

Marka aad dhegeysanayso warka waa in aad naftaada weydiiso, “Waa maxay fikirka ama aragtida uu qofkani sheegay oo aan u bogay, rabana in aan sii daraaseeyo oo aan xog dheeraad ah iyo faa’ido ka helo.

Cilmibaadhis: Daraasad arrintan la xidhiidha ayaa daahfurtay in qofka oo aad weydiiso in uu wax badan kuu sheego, ama aad siiso fikir aad wax badan kaga dhegeysataa in ay kaa dhigayso qof la jecel yahay, isla markaana ay qofkaas kuugu beerayso shucuur ah in uu doono in uu ku caawiyo ama ku garab istaago marka aad arrin muhiim ah uga baahato.

Talo: Marka uu qofku kuu waramayo ha ka sii fikirin waxa aad doonayso in aad adiguna ka warranto marka xigta hadalkiisa. Waxa aad xoogga saartaa sidii aad u fahmi lahayd waxa uu isagu hadda ku leeyahay. Qodob kasta oo ku xiise geliya oo uu qofku soo qaadana su’aalo dheeraad ah iyo faahfaahin ka sii weydii.

1. Dhegeyso waxa uu qofku kugu leeyahay, oo hadalka ha ka dhex gelin, xitaa haddii aanad ku waafaqsanayn.

2. Madaxa lul, weliba mararka qaarkood dheh ereyo muujinaya in aad warkiisa la socoto, sida, “Haye, haa, Hmmmm. Iwm”

3. Qofka weydii su’aalo muujinaya in warkiisu ku dhaadhacay, waayo taasi waxa ay dhiiri gelinaysaa in uu qofku hore u sii socdo oo aanu warka dib ugu soo noqnoqon ama aanu u fahmin in aanad warkiisa fahmayn, kadibna mawduuca aanu beddelin. La soco…